Amal Aden oo soomaalida Norwey ay aad u wada garanayaan ayaa maqaal ay kusoo daabacday wargayska dag og tid ku sheegtay in marka waalidiinta ajaaniibtu ay caruurtooda u diraan wadamadii ay ka yimaadeen iyaga oo ka cabsi qabo inay norske ka noqdaan, ay burburinayaan mustaqbalka caruurtaas ay ku leeyihiin wadanka. Amal ayaa si gaar ah u magacowday inay ogtahay in waalidiin badan oo soomaali ah ay caruurtooda u celiyaan soomaaliya, iyaga ka cabsi inay norske noqdaan, oo ay dhaqan guuraan.

Mar walba oo uu xiliga sommerka soo dhawaado waxay dadka intiisa badan isku diyaariyaan inay ka faa iideystaan fasaxa ay helaan, balse caruurta ajaaniibtu xiliga fasaxa sommerka wuxuu u yahay xili murugo oo ay ka cabsi qabaan in wadanka laga saaro. Qaarkood waxay ka wel-welaan in intii wadanka laga bixiyo lagu soo qasbo guur aysan raali ka aheyn. Caruurta ugu badan oo ay dhibtan haysatana waa gabdhaha. Gabdho badan oo aan la kulmay ayaa ii sheegay inay qabaan cabsi joogto ah oo ku saabsan in wadanka laga saaro iyaga oo aan raali ka aheyn. Waxay ii sheegeen in waalidkood ay ugu goodiyaan/hanjabaan in hadii ay si fiican u dhaqmin ama waalidkood wax walba ka maqlin, wadanka kale loo diri doono. Intooda badan gabdhahan waxaa lagu eedeeyaa in aysan shaqada guriga si fiican u qaban, inaysan salaada sifiican u tukan, inaysan xijaabka xiran, inay saaxiibo norwiiji ah sameysteen, inay muslimiin fiican aysan aheyn ama inayba gaaloobeen mararka qaarkood. 

Cabsidan iyo wel-welka joogtada ah oo ay ilmahan ka qabaan in wadanka laga saaro waxay ugu danbeyn u keenaysaa inay maskixiyan xanuun iyo cuqdad-nafsi ay qaadaan. Kuwo badan oo iyaga kamid ah oo aan la kulmay waxay ii sheegeen in habeenkii ay ku riyoodaan iyaga oo intii wadanka laga bixiyay, oo wadankii waalidkood looga soo tagay. Waxaan aqaanaa anigu shaqsi ahaan, waalidiin soomaali ah oo caruurtoodii Soomaaliya geeyay iyaga oo ka cabsi qaba in caruurtoodu ay dhaqanka wadanka qaataan. Waxay sheegeen in dhaqanka fiican uu kamid yahay in qofku uusan saaxiib norske ah yeelaan, saaxiibadiisu inay kuli wada muslimiin noqdaan, inay gabadhu guriga joogto oo shaqada guriga oo dhan qabato oo aysan banaanka aadin si ay uga qaybqaadato aktivitetyada ay caruurta sameeyaan xiliga fasaxa. Wiilasha soomaalida waxay haystaan xoriyad aad uga badan tan gabdhaha, waxayna mar walba ilaaliyaan in gabdhaha walaalahood aysan ceeb usoo jiidan reerka oo dhan.  Sababta ugu weyn oo ay waalidkan caruurtooda wadanka uga bixinayaan ayaa ah inay ka cabsi qabaan inay ka norwiiji garoobaan.

Waalidiin raba inay iyagu wadanka sii joogaan, laakiin caruurtooda dib ugu celiya meeshii ay iyaga kasoo qaxeen, si ay caruurtu u noqdaan kuwo fiican. Kuwo badan oo caruurtan kamid ah waxay wadankii loo celiyay kala kulmaan dhibaatooyin tiro badan, waxaa loo diraa dugsiyo quraan oo ay joogaan macalimiin garaacis iyo dil badan, qaraabada caruurtan ayaa iyagu sidoo kale dilo caruurtan iyagoo sheegaya inay edbinayaan.  Si ciyaalka looga fogeeyo dhaqanka galbeedka waxaa loo diraa dugsiyo quraan. 

Markey caruurtan dib ugu soo noqdaan Norwey, waxay dareemaan inay lumiyeen oo ay khasaariyeen wax badan, sida tusaala ahaan saaxiibadooda iyo waliba iskuulkii ay dhigan jireen. Kuwo badan oo iyaga kamid oo la rabay inay dhigtaan dugsiga sare ayaa dib loogu celiyaan dugsiga hoose iyo dhexe. Qaarkood waxayba ilaaween luuqadii norwiijiga inta ay wadanka ka maqnaayeen, taas oo sababta in dhexgalkooda mujtamaca uu dib u dhaco. Waxa mustaqbalkoodii burburiyay waa waalidkood. Dowlada Norwey iyo mutjamaca norwiijigu yeysan arintaas indhaha ka fiirsan ee ha badbaadiyeen caruurtaas wadanka laga saarayo sanad walba.

Maqaalka Amal ayaa kusoo aadayo iyada oo ay socoto dood badan oo ka dhalatay soo jeedinta ay xildhibaanu ka tirsan baarlamaanka Norwey ay soo jeediyeen in xijaabka laga mamnuuco iskuulada caruurta. 

Waa xaqiiq aan muran ka taagneyn in mustaqbalka caruur badan oo soomaali ah uu dhexda ka baxo, kadib markii waalidkii dhalay ay  tusaale ahaan iyaga oo aan qorshe u dajin ay ingiriiska u guuraan, kadibna ay mMasar uga usii gudbaan, sanado kadibna ay Nairobi usii wareegaan, iyaga oo ugu danbeyn 10 sano kadib dib ugu soo noqdo Norwey. Halkaas oo uu ilmihii yaraa uu wadanka kusoo noqdo isaga oo aan waxba kasoo baran meelihii lagu soo wareejiyay, luuqadii wadankana aan waxbadan ka xasuusneyn, ayna fududaato in ilmahaas uu iskuulka si fudud u dhaco, maadaama uusan la qabsan karin bay-ada iskuulka. 

Laakiin waa amaal iyo dhaqankeedee, mar walba ay oo ay rabto inay ka hadasho dhib ku saabsan soomaalida, waxay marka hore dhibtii jirtay ku dartaa litir biyo ah iyo kiilo cusbo/milix ah, ilaa ugu danbeyn aad kala garan waydo: maxaa xaqiiq ah iyo maxaa laga badbadiyay. 

Xigasho/kilde: dag og tid (papir-avis, 12-august-2016, side 6(samfunn) [adsenseyu1]

 

2
legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
2 Comment threads
0 Thread replies
0 Followers
 
Most reacted comment
Hottest comment thread
2 Comment authors
AbdiCali Recent comment authors
  Subscribe  
newest oldest most voted
Notify of
Cali
Guest
Cali

Gabadhan waa in la dacweeyo, waa in ay keetaa dadkan ay had iyo jeer leedahay waan aqaanaa oo danbigaas ayay galeen. waan in sharcga la mariyaa hadii ay jiraan hadii ay been ka sheegaysana iyada sharciga la mariyo, waa n ay dacwayso jaaliayadda soomalidu

Abdi
Guest
Abdi

Ku qoroyaasha webka: Masha allah waxaad tihiin dad dadaalayo oo doonayo inaad wixii warar ah ee soomaalida khuseeyo aad qortaan. Laakiin idinkoo mahadsan, qashinkan iyo warkeeda waqti ha iskaga bixinina. Wuxu waa doorshaan oo wanaag malahee ha isku lugeynina.