torsdag, juni 5, 2025

Warbixinta Booliska: Dambiyada naceybka oo sii kordhay sanadkii hore.

Booliiska Norway ayaa sannadkii hore helay 1172 dacwo oo la xiriira dambiyada la xiriir isir naceybka, tiradaas oo ka badan 82 kiis marka lala barbardhigo sanadkii ka horeeyay ee 2023. Warbixinta sannadlaha ah ee kasoo baxday Taliska Guud ee Booliiska (Politidirektoratet) ayaa muujinaysa in dacwooyinka la xiriira dambiyada naceybka ay si aad ah u kordheen sanadihii ugu danbeeyay, marka la barbardhigo dambiyada kale sagaalkii sano ee ugu dambeysay. Sannadkii hore kaliya ayaa kororka kiisaska la xiriira naceybka, waxa ay kor u kaceen 8%.

Taliso Ida Melbo Øystese oo ka tirsan taliska booliska Oslo ayaa sheegtay:
– Waa wax wanaagsan haddii kororka dacwooyinku ay sabab u tahay wacyigelin ka dhex jirta bulshada. Waxaan rajeyneynaa in dad badan ay ku dhiirradaan inay dacwo ka gudbiyaan dambiyada naceybka, ayna kalsooni ku qabaan in booliisku arrinta si dhab ah uga howlgali doono.

Dacwooyin la xiriira gacan ka hadal – Laba iskuday dil ah oo kamid ah kiisaska.
Sida ku xusan warbixinta booliska, kiisaska la xiriira Gacan ka hadalka naceybku uu sababay, ayaa kamid ah kiiska ugu badan ee kororka laga diiwaangeliyay. Shanti kiisba mid(1/5), wuxuu la xiriiray gacan ka hadal – taasoo gaaraysa 234 kiis sannadkii hore, tiradaas oo 48 kiis ka badan marka loo barbardhigo sannadkii ka horreeyay. Warbixinta boolisku waxa ay sheegeysa:

Ereyada naceybka leh ayaa ugu badan
Afartii kiisba mid(1/4) wuxuu la xiriiraa hadallo naceyb ah – kuwaas oo ah nooca ugu badan ee dambiyada naceybka ah ee boolisku ay diiwaangaliyeen. Kuwa kale waxaa ugu badan gacan ka hadal, handadaad afka ah, iyo burburin hantiyeed.

Sababaha ugu badan ee dadka lala beegsado hadaladda naceybka ah, ayaa inta badan la xiriirta midabka qofka oo lagu caayo, dhalashadiisa ama qawmiyadiisa. Jinsiga iyo qaabka qofku isku arko (gender identity) ayaa sidoo kale kamid ah danbiyada ugu badan ee booliska loo diiwaangaliyay ee la xiriira naceybka.


Dacwooyinka la xiriira dad naafadda ah ee naafinimadooda dareed loo aflagaadeeyo oo aad ayay u yar, sida ku xusan qoraalka booliska. Sannadkii hore booliisku wuxuu helay 40 dacwo oo la xiriirta naceybka ama aflagaado-naceyb-ceyka dadka naafadda. Laakiin warbixinta booliisku waxay muujisay in tirada rasmiga ah ay ka badan tahay tan la diiwaangeliyay, iyadoo laga cabsi qabo in dadka qaba naafo, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay, aysan si fudud u dacwoon.

Kiisaska nacaybka Yuhuudda oo yaraaday, balse wali sare
Sannadkii hore waxaa la helay 45 dacwo oo la xiriirtay nacaybka lagula kaco Yuhuudda – taasoo ah shan kiis in ka yar sannadkii ka horreeyay. Si kastaba ha ahaatee, heerka dacwooyinku wali wuxuu ka sarreeyaa intii ka horreysay weerarkii Xamaas ee 7-da Oktoobar iyo dagaalka Gaza. Kahor 2023, celcelis ahaan waxaa jiray 17 kiis sannadkii.

Warbixintu waxay tilmaantay in kiisaska nacaybka Yuhuudda inta badan ay la xiriiraan burburin ama handadaad sida in lagu xadgudbo astaamo Yuhuudda ah – tusaale ahaan dhagaxyo lagu xusuusto dhibanayaashii xasuuqii Holocaust.

Xigasho/kilde: Flere anmelder hatkriminalitet – hver femte sak handler om fysisk vold

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x