torsdag, juni 5, 2025

Sweden oo xabsi ka kireysaneyso Estonia

Dowladda dalka Sweden ayaa heshiis la saxiixatay dalka Estonia si ay u isticmaasho xabsiyo ku yaalla dalkaas, taas oo loogu talagalay in maxaabiista lagu xukumo Sweden ay halkaas ku qaataan xukunka. Wasiirka caddaaladda Sweden, Gunnar Strömmer, ayaa la filayaa inuu faahfaahin ka bixiyo heshiiskan maanta oo Arbaco ah, sida laga soo xigtay warbaahinta TV4.

Sababta heshiiskan ayaa lagu sheegay in ciriiri iyo buux-dhaaf dhanka boosaska ah ay ka jiraan xabsiyada gudaha Sweden, waxaana gabaabsi sii noqonayo boosaska banaanka ee dadka xabsiyda lagu xukumo lagu heyn karo.

Guddi dowladeed oo arrintan horay u baaray ayaa sheegay in aysan jirin qodob muuqdo oo arrintan ku saabsan oo ka hor imaanaya Dastuurka Sweden ama Xeerka Xuquuqda Aadanaha, arrintaas oo ay gudiga warbixintooda ku soo saareen inay jirin wax dowlada Sweden ka mamnuucaya inay kireysato xabsiyo ku yaalla waddan kale.

Dalal kale sida Norway, Belgium iyo Denmark ayaa horay u adeegsaday nidaam la mid ah kan ay hada wado dowlada Sweden. Tusaale ahaan, Norway ayaa u kireysatay xabsiga Norgerhaven ee kuyaal dalka Holland, intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2018, oo ay ku jiri karaan ilaa 242 maxbuus. Heshiiskaas ayaa la joojiyay kadib markii ay hoos u dhacday safkii dadka sugayay xabsi.

Si kastaba ha ahaatee, Justitiekanslern ee Sweden (oo la mid ah xafiiska sarkaalka cabashooyinka dadweynaha ee Norway) ayaa sheegay in la isweydiin karo in nidaamkan uu si buuxda ula jaanqaadayo Xeerka Xuquuqda Aadanaha, maadaama Sweden aysan yeelan doonin awood sharciyeed oo toos ah oo ku saabsan shaqaalaha xabsiyada ee Estonia.

Xigasho/kilde: Sverige skal leie fengselsplasser i Estland

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x