torsdag, juni 5, 2025

Gabar soomaali ah oo lagu dilay London

Booliska magaalada London ayaa si rasmi ah u shaaciyay magaca gabar dhalinyaro oo si naxdin leh loogu dilay weerar mindi oo ka dhacay koonfurta magaalada London. Gabadha, oo 26 jir ahayd, ayaa lagu magacaabi jiray Marjama Jaamac, waxaana la xaqiijiyay inay asal ahaan aheyd soomaaliyad, inkastoo booliska aysan weli si cad u sheegin asalka dhalashadeeda.

Weerarka ayaa galinkii hore ee Sabtidii ka dhacay meel u dhow Frith Road ee xaafadda Croydon. Booliska ayaa sheegay in ay heleen maydka Marjama markii ay goobta yimaadeen, iyadoo durba la xaqiijiyay in ay geeriyootay. Qoyskeeda ayaa si rasmi ah loo wargeliyay kadib dhacdada.

Laba nin oo la tuhunsan yahay
Booliska ayaa qabtay Laba nin oo da’doodu kala tahay 32 iyo 33 jiro, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay ka danbeeyeen falka dilka ah , balse waxaa si ku-meel-gaar ah loogu sii daayay dammaanad inta baaritaanku socdo. Hoggaamiyaha baaritaanka, Det. Ch. Insp. Dave Whellams, ayaa sheegay in ay xoogga saari doonaan ururinta caddeymaha lagama maarmaanka u ah in la helo caddaalad.

“Tani waa dhacdo xanuun badan”
Mitch Carr, oo ka tirsan maamulka deegaanka, ayaa sheegay in geerida Marjama ay tahay dhacdo murugo leh oo bulshada saameyn ku reebtay. “Waxaan la qeybsanayaa xanuunka qoyskeeda iyo asxaabteeda,” ayuu yiri.

Dhibaato joogto ah oo haysata dhalinyarada Soomaaliyeed ee UK
Dilkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo sannadihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay rabshadaha mindiyaha iyo dilalka dhalinyarada Soomaalida ee UK, gaar ahaan magaalada London. Xogta booliska ayaa muujineysa in sannadihii 2017–2018, ilaa 10% dhalinyarada la dilay ay Soomaali ahaayeen – tiradaas oo laga dhex arkayo guud ahaan 1299 kiis oo dil ah.

Waalidiin badan oo Soomaaliyeed ayaa cabsi darteed carruurtooda uga qaaday UK, iyagoo geeyay Bariga Afrika si looga fogaado khatarta dambiyada midiyaha.

Inkasta oo kulamo iyo dooddo badan lagu qabtay UK si wax looga qabto arrintan, haddana booliiska waxay sheegayaan in aysan jirin hal sabab oo lagu macneyn karo rabshadahan – sidoo kalena xal waara weli lama helin.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x