Maxkamadda gobolka Hordaland ayaa xabsi ku xukuntay nin 42 sano jir ah oo lagu helay dambi ah inuu u gacan-qaaday macalin wax ka dhiga dugsiyada hoose ee Bergen, xili uu macalinku ku jiray xiisadda fasalka. Falkan ayaa ka dhacay meel ay ardeyda uu macalinkaasi wax u dhigayay ay goob joog ka ahaayeen, waxaana ardeyda macalinka kamid ah wiil uu dhalay ninka eedeysanaha ee la xukumay.
Falkan ayaa dhacay bishii April ee sanadkii 2023 xilli uu socday cashar, waxbarasho waxaana dhacdada lagu tilmaamay mid “aan la fileyn, toos ah, oo carruur hortooda ka dhacay “.
Sida ay uu qoray wargeyska Bergensavisen, ninka ayaa si lama filaan ah u galay fasalka, wuxuuna macallinka weydiiyay: “Adiga miyaa macal hebel ah,”. Markii uu macallinku arrintaasi xaqiijiyay, ayaa ninku si toos ah wejiga uga dhuftay gacanta fidsan.
Maxkamaddu ayaa go aankeeda ku xustay in eedeysanaha la xukumay uu si ula kac ah u yimid goobta uu falkaas ka dhacay, si uu wax u gaarsiiyo macallinka, isagoo ku eedeeyay inuu si aan wanaagsaneyn ula dhaqmay wiilkiisa.
Xeer ilaalinta ayaa markii hore isku dayay inay kiiskan ku xaliyaan ganaax lacageed oo la saaro eedeysanaha, laakiin waa uu diiday inuu ganaaxaas aqbalo, taas oo ugu dambeyn keentay in kiisku uu maxkamadda tago, oo ay xeer ilaalintu dacwad maxkamadeed ka gudbiso kiiskan.
“Macallimiintu waxay hayaan shaqo door bulsho oo muhiim ah leh, waxaana dhacdadan ka muuqata baahi loo qabo cawaaqib adag si loo ilaaliyo ammaankooda,” ayaa lagu yiri xukunka maxkamadda, oo ninka ku riday 28 maalmood oo xabsi shardi leh.
Qareenka ninka, Marius Wesenberg, ayaa sheegay inaysan weli go’aan ka gaarin in racfaan la qaato iyo in kale.
Xigasho/kilde: Far slo til lærer foran elever: – Uprovosert og uten forvarsel