Xog uruurin iyo saadaalin hordhac ah oo laga sameeyay natiijadda la fili karo doorashada baarlamaanka Norway oo ay isbuucyo kooban uun inaga xigaan, ayaa sheegeyso in xisbiga shaqaalaha ee xiligan hayo taladda xukuumadda Norway uu guul kasoo hoyin karo doorashada.
Meelaha uu xisbiga shaqaaluhu guulaha la taaban karo looga soo saadaalinayo ayaa ah gobolka Østfold oo uu sanadkan ka sharaxyahay Haashim Muxyidiin Cabdi oo ah xildhibaan dhalinyaro soomaali ah oo xiligan katirsan golaha deegaanka Fredrikstad. Haashim ayaa ku jiro booska sadexaad ee liiska xisbiga shaqaalaha ee musharaxiinta uga sharaxan gobolka Østfold.
Natiijadda hada muuqato ayaa sheegeyso in Haasim uu bilo kooban kadib kamid noqon karo baarlamaanka Norway, isaga oo matalayo xisbiga shaqaalaha, kana soo bixi kara gobolka Østfold.
Haashim ayaa wareysi dheer oo uu siiyay NRK ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay fursadda uu u helay inuu matalo codka dhalinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay. Hashim wuxuu xusay in korriimadiisii magaalada Fredrikstad, oo ka mid ah meelaha ugu badan ee saboolnimada carruurta ka jirto Norway, ay saameyn ku yeelatay aragtidiisa siyaasadeed. Wuxuu sheegay in kala duwanaanshaha uu arkay xilliga dugsiga hoose uu ka dhigay mid aad u xanaaqsan, taasoo ugu dambeyn keentay inuu ku biiro xisbiga Arbeiderpartiet si uu uga shaqeeyo sinnaanta bulshada.
Hadii natiijadda doorashada ay u dhacdo sida ay u muujinayaan saadaasha iyo xog uruurinta hordhaca ah ee la sameeyay, Haashim ayaa noqon karo xildhibaankii ugu yaraa abid ee soo gala golaha baarlamaanka Norway. Waxa uuna sidoo kale noqon karaa xildhibaankii 2.aad ee soomaali ah oo soo gala baarlamaanka Norway, 2-daas dhacdo oo mid walba taariikh gooni leh.
Xigasho/kilde: Hashim (20) ligger an til å bli historisk: Utfordrer eget parti