Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa dhamaadka isbuucan booqasho ku imaan doono magaaladda Oslo ee dalkan Norway. Wasiirka ayaa ka qeybgali doono kulan weyne ka dhici doono jaamacadda Oslo, kaas oo looga hadlayo saameynta ka dhalan karta go aanka ay dowlada Mareykanku ku joojisay 90% gargaarkii iyo deeqihii ay siin jirtay dalalka Qaaradda Africa.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgali doono madaxii hore ee dhaqaalaha ee hey adda USAID ee dhawaan albaabadda uu u laabay maamulka Madaxweyne Trump iyo sidoo kale madixii hore ee hey adda NORAD.
Soomaaliya iyo dalalka kale ee Geeska iyo Bariga Afrika ayaa kamid ah dalalka la fili karo in saameyn xoogan ay ku yeelato go aanka lagu dhimayo taageeradda mareykanka ee dalalka Africa.
Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo khibrad 20 sano ah oo shaqo u leh arrimaha siyaasadda, amniga, doorashada iyo horumarka ee Qaaradda Africa ayaana lagu casuumay doodan muhiimka ah ee Oslo ka dhaceyso Maalinta Insiinta ah ee isbuucan. Faahfaahinta Barnaamijka:
📣 KA DIB USAID – MAXAA LAGA FILAN KARAA AFRIKA IYO GARGAARKA CAALAMIGA AH?
🔍 Saameynta go’aanka Mareykanka ee hakinta gargaarka Afrika iyo doorka cusub ee hay’adaha caalamiga ah
📅 5-da May 2025
🕒 14:00–15:30
📍 Jaamacadda Oslo (UiO), Eilert Sundts hus – Ragnar Frisch Auditorium 1
👉 Kusoo biir dood muhiim ah oo ka hadlaysa mustaqbalka gargaarka caalamiga ah, doorka Afrika, iyo sida looga jawaabi karo xaaladdan cusub.
🎙 Dadka ka hadlaya doodda:
🔹 Dean Karlan – La-taliyihii hore ee dhaqaalaha ee USAID, ahna Professor ka tirsan Northwestern University
🔹 Mohamed Abdirizak – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya
🔹 Jon Lomøy – Agaasimihii guud ee hore ee Norad iyo safiir hore u soo noqday
🔹 Pio Ding – Agaasimaha guud ee Save the Children Norway ee Afrika
🎤 Maamulaha doodda: Hawa Muuse, lataliye sare oo ka tirsan Bisha Cas ee Norway
🧠 Dooddu waxay ku socon doontaa luqadda Ingiriisiga
Waxaa soo qabanqaabiyay ururka Golaha Africa ee Norway iyo hey adda Somali Norwegian Strategic Partners(SNSP) iyo ururka ardeyda qaramadda Midoobay ee jamaacadda Oslo.
📲 Fadlan la wadaag, kuna xuso qofka aad u malaynayso inuu xiisaynayo!