torsdag, mai 1, 2025

Vipps oo hada ogolaaneyso in caruurta 6-sano jirto ay adeegan adeegsadaan.

Shirkadda lacag-isku dirista ee Vipps ayaa sheegtay in carruurta da’doodu u dhaxayso 6 ilaa 15 sano ay hadda awoodi doonaan in iyaga adeegsanayo adeega Vipps ay lacag ku diraan dukaamada iyo goobaha iibka, dukaamadda caadiga ama suuqyada xaraashka (loppemarked), iyadoo la adeegsanayo lambarka Vipps ee ganacsiyada.

Tani waxay daba socotaa isbeddelkii hore ee sanadkan u sameysay shirkada Vipps, taas oo keenay in carruurtu ay ku bixin karaan lacagta iyagoo adeega vipps, qeybta lacga isku dirista iyo waliba kaar-marsiinta vippsiga( Tæpe).

Si kastaba ha ahaatee, adeeggan cusub ayaa wuxuu shaqeynayaa kaliya marka labadaba waalid ee ilmaha dhalay da’daas u dhaxeeyo ay oggolaadaan isticmaalka adeegan.

“Waxaan dooneynaa in arrintanin ay noqoto mid dabooli karta baahida carruurta da’daas jiro, balse waalidiinta ayaa leh xukunka ugu dambeeya. Ilmuhu ma isticmaali karo adeeggan la’aanta oggolaanshaha waalidiinta, waalidiintuna waxay mar kasta damin karaan,” ayuu yiri Jørgen Selfors, madaxa wax soo saarka ee kooxda Vipps.

Adeega Vipps waxaa haatan taageera bangiyada DNB, Eika-bankene iyo Sparebank 1, kuwaas oo matala ilaa 70% dadka isticmaala adeegga Vipps.

Xigasho/kilde: Nå kan 6-åringer betale med Vipps i kiosken

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x