OSLO – Ururka shaqaalaha ee ugu weyn Norway, LO, ayaa doortay hoggaan cusub oo hogaamin doona afarta sano ee soo socota. Fawsi Adem, oo asal ahaan soomaali ah, ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee ajnabi aan reer galbeed aheyn ah oo kamid noqdo hogaanka sarre ee ururweynaha shaqaalaha Norway, waxa uuna qabtay xilka xoghayaha guud qeybta ururadda shaqaalaha ee ka shaqeeya xafiisyada iyo ganacsiga(Kontor og Handel).
LO (Landsorganisasjonen i Norge) waa ururka shaqaalaha ugu weyn dalka Norway, waxaana ka tirsan in ka badan 970,000 xubnood. Ururku wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa difaaca xuquuqda shaqaalaha, horumarinta xaaladaha shaqo, iyo xaqiijinta mushaaro la jaanqaada heerka nolosha bulshada. LO sidoo kale waxay saameyn xooggan ku leedahay siyaasadda dalka, iyagoo si dhow ula shaqeeya Xisbiga Shaqaalaha (Arbeiderpartiet).
Doorashada Fawzi ayaa ka dhigan taariikh cusub oo ay soomaalidu ku yeelanayaan ururadda bulshada iyo siyaasadda ee saameynta ku leh nolosha bulshooyinka Norway kunool oo ay soomaalidu kamid tahay. Waxa uuna noqonayaa soomaaligii xilkii ugu sareeyay ee hogaan urur bulsho ka qabta Norway.
Sida lagu xusay qoraal kasoo baxay wargeyska ururka LO, Fawsi Adem oo sidoo kale kamid ah wakiiladda golaha Deegaanka Oslo ee xisbiga shaqaalaha Ap, ayaa leh khibrad dheer oo dhanka ururrada shaqaalaha iyo siyaasadda ah. Wuxuu horey madax uga soo noqday ururka shaqaalaha ee Ikea Furuset iyo wakiil guud ee shaqaalaha shirkadda Ikea. Sidoo kale, wuxuu tan iyo 2020 hoggaaminayay gobolka ugu weyn ee ururka shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada iyo ganacsiga (HK).