Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa saxiixay amar madaxweyne oo cusub oo faraya in darawallada gawaarida xamuulka ee ganacsiga ay muujiyaan aqoon ku filan oo ku saabsan akhriska iyo ku hadalka luuqadda Ingiriisiga. Tallaabadan ayaa meesha ka saaraysa siyaasad uu hore u hirgeliyay Madaxweyne Obama, taasoo dabcinaysay fulinta qodobkan ee heerarka Federaalka.
Go’aankan cusub ayaa si gaar ah u saameyn doona darawallada muhaajiriinta ah, oo ay ku jiraan kumannaan Soomaali ah oo ka shaqeeya waaxda gaadiidka ee Waqooyiga Ameerika. Amarka madaxweyne, oo loogu magac daray “Hirgelinta Xeerarka Macquulka ah ee Waddooyinka loogu talagalay Darawallada Mareykanka,” ayaa darawallada ku waajibinaya inay awood u yeeshaan akhrinta calaamadaha waddooyinka, inay si fiican ula xiriiraan saraakiisha amniga iyo kuwa xuduudaha, isla markaana ay raacaan tilmaamaha macaamiisha, iyagoo adeegsanaya luuqadda Ingiriisiga.
Xoghayaha Gaadiidka, Sean Duffy, ayaa loo xil-saaray inuu dib u soo celiyo sharciga federaalka ee loo yaqaan 49 CFR 391.11(b)(2), kaas oo dhigaya in aqoonta Ingiriisigu ay tahay shuruud muhiim ah oo laga doonayo darawallada gaadiidka ganacsiga. Mas’uuliyiinta Aqalka Cad ayaa sheegay in sharcigan uu dabacsanaa intii lagu jiray maamulka Obama.
Hay’adda Federaalka ee Badqabka Gaadiidka Ganacsiga (FMCSA) ayaa loo xil saaray inay dib u cusbooneysiiso habraaca kormeerka, isla markaana soo celiso siyaasadda u oggolaanaysa kormeerayaasha inay shaqada ka joojiyaan darawallada aan buuxin karin shuruudahan.
Tallaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay qaar ka mid ah kooxaha ganacsiga Mareykanka, sida Ururka Darawallada Madaxa-bannaan (OOIDA), oo sheegay in amarku dib u soo celinayo “heerarka caqliga ku dhisan ee badqabka.” Si kastaba ha ahaatee, kooxaha xuquuqda madaniga ah iyo kuwa muhaajiriinta ayaa ka digay in amarkani uu noqon karo mid shaqo la’aan ku keena dad badan, gaar ahaan darawallada Soomaalida ah, oo qayb muhiim ah ka noqday gaadiidka safarrada fog-fog ee Waqooyiga Ameerika.
Sanadihii u dambeeyay, Soomaalidu waxay si weyn ugu biireen shaqada darawalnimada, iyagoo soo jiitay dabacsanaanta shaqada, madaxbannaanida, iyo xiriirka dhaqanka soo jireenka ah ee reer-guuraaga. Baraha bulshada sida Clubhouse iyo TikTok ayaa noqday goobo ay ku kulmaan darawallada Soomaalida, kuwaas oo wadaaga talooyinka safarka iyo madadaalo dhaqameedka, iyagoo dib u soo noolaynaya noloshii wadajirka ahayd ee Soomaaliya ka jirtay, haatanna ku wada sheekaysanaya gudaha gawaarida waaweyn.
Ururka Sikh Coalition, oo matalaya bulsho kale oo ballaaran oo muhaajiriin ah oo ka shaqeeya gaadiidka, ayaa ka digay in siyaasaddan cusub ay takooreyso dadka aan Ingiriisku afka hooyo u ahayn, isla markaana ay sii xumayn karto yaraanta shaqaalaha ee qaybtan oo markii horeba dhibaato ka taagnayd.
Amarkan ayaa noqonaya kii labaad ee luuqadda la xiriira ee Trump uu saxiixo tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay bishii Janaayo. Bishii Maarso, wuxuu saxiixay amar kale oo Ingiriisiga si rasmi ah uga dhigaya luuqadda rasmiga ah ee Mareykanka.