torsdag, mai 8, 2025

Shaqooyinkan ayaa baahi-shaqaale oo xoogan loo qabaa Norway.

In ka badan 60,000 qof ayaa shaqo la’aan ah gudaha Norway, halka isla waqtigaas ay jiraan qaybo badan oo suuqyada-shaqadda kamid ah oo si weyn ugu dhibtoonaya helitaanka shaqaale ku filan. Waxaa si gaar ah loo dareemayaa baahida xooggan ee shaqaalaha ku jira caafimaadka iyo daryeelka bulshada, sida lagu sheegay warbixintii sannadlaha ahayd ee NAV oo la shaaciyay Khamiistii.

Baahida ugu weyn: Caafimaadka iyo daryeelka bulshada
Warbixinta NAV, oo la sameeyay intii u dhexeysay Febraayo ilaa Maarso 2025, ayaa muujinaysa in weli ay jirto baahi ballaaran oo loo qabo shaqaale xirfadlayaal ah, gaar ahaan qaybaha:

  • 3,000 oo helsefagarbeidere (kaaliyeyaasha caafimaadka)
  • 2,100 oo sykepleiere (kalkaaliyeyaal caafimaad)

Guud ahaan, waxaa laga cabanayaa 11,450 boos oo bannaan oo aan weli la buuxin karin, inkasta oo ay yara hoos u dhacday marka la barbardhigo sannadihii hore.

Tonje Brenna, wasiirka shaqada iyo isdhexgalka bulshada ee ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha, ayaa digniin ka bixisay:

“Baahida shaqaale ee caafimaadka iyo daryeelka bulshada waxay noqon doontaa dhibaato sii kordhaysa mustaqbalka dhow.”

Farsamada, dhismaha iyo shaqooyinka gacanta:
Warbixintu sidoo kale waxay muujinaysaa in shaqaale badan looga baahanyahay suuqyada xirfadda gacanta: Sida farsamayaqaannada, kuwa qabta shaqooyinka korontada, alxanka, mashiinada culus, iwm.

Qaybta dhismaha iyo injineerinka, iyadoo baahida hoos uga dhacday 4,850 sanadkii hore ilaa 4,050 sanadkan.

Markii ugu horreysay, NAV waxay si gaar ah u waydiisay shirkadaha nooca waxbarashada ee ay ugu baahan yihiin shaqaale, marka lagu daro waayo-aragnimada shaqo.

Natiijadu waxay muujisay in:

Xirfadaha farsamada ee laga helo dugsiga sare (yrkesfaglig utdanning) ay yihiin kuwa ugu weyn ee laga baahanyahay. Waxaa la’ yahay in ka badan 16,850 shaqaale xirfadlayaal ah, taasoo ka dhigaysa 43% dhammaan baahiyaha.

Waxaa kale oo la’ yahay 5,200 qof oo haysta shahaado Master, iyadoo 2,000 ka mid ah ay yihiin kuwa leh Master ama xirfado sare ee caafimaadka (medisin)

Dowladda Norway oo Kordhisay Miisaaniyadda Si Loo Yareeyo Shaqo La’aanta – Dhiirrigelin Cusub oo Loogu Talo Galay Dhalinyarada.

Wasiiradda shaqada iyo isdhexgalka bulshada, Tonje Brenna, ayaa ku dhawaaqday in dowladda Norway ay kordhisay miisaaniyadda dowlada, kuna dartay 770 milyan NOK, si loo fuliyo barnaamijyo shaqo-abuur ah oo lagu yareynayo shaqo la’aanta. Miisaaniyaddan dheeraadka ah ayaa lagu maalgelin doonaa barnaamijyo kala duwan oo ujeedadoodu tahay in dadka aan shaqada haysan laga caawiyo helitaanka fursado shaqo, gaar ahaan dhalinyarada.

Barnaamij cusub oo dhalinyarada loogu talagalay ayaa sidoo kale qorshaysan, iyadoo la doonayo in dhalinyarada aan waxbaran kana maqan shaqada loo helo fursado toos ah oo ay kaga mid noqdaan suuqa shaqada. Wasiir Brenna waxay intaas ku dartay in sidoo kale la xoojin doono iskaashiga ka dhexeeya NAV iyo waaxda caafimaadka, si loo fududeeyo habka dadka shaqo la’aanta ah loogu hago boosaska bannaan ee ka jira caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Wasiirku waxay sidoo kale ugu baaqday shaqo-bixiyeyaasha dalka inay mas’uuliyad iska saaraan ka qayb qaadashada xallinta shaqo la’aanta, iyagoo furaaya fursado badan oo ay ka faa’iideystaan dadka shaqo raadiska ah.

Warbixintii NAV ee dhowaan la shaaciyay waxay muujisay in gobollada ugu baahi badan shaqaale yihiin Vestland, Rogaland iyo Oslo. Halka gobolka Østfold uu yahay meesha ugu baahida yar marka loo eego shaqaale cusub.

Xigasho/kilde: Mangler folk til 39.000 jobber: Her er yrkene som trenger flest folk

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x