onsdag, mai 21, 2025

Norway oo tarxiileyso 14 muwaadiniin reer Ethiopia ah.

OSLO – Laanta booliska Norway u qaabilsan arrimaha socdaalka (Politiets Utlendingsenhet) ayaa qorsheynaya in ay maanta oo arbaca aheyd masaafuriyaan 12 ilaa 14 muwaadiniin Itoobiyaan ah. Dadkan ayaa ah dad diidmo kama dambeys ah ka helay codsiyadda magangalyada, waxa ayna Norway ku noolaayeen 7 ilaa 16 sano.

Mid ka mid ah dadkaas,, ayaa isku dayay inuu isdilo oo uu dad is qabadsiiyo. kadib markii uu helay warqadda sheegaysa in si degdeg ah loo masaafurinayo. Waxaa la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo xoogan oo gubasho ah.

Dadkan Itoobiyaanka ah oo markii hore loo diiday magangelyada, ayaa waxaa dib u celintooda hakiyay in aysan heysan dokumentiyo safar oo dowlada Ethiopia ay bixiso. Dowladda Norway ayaa markaas casuuntay wafdi ka socda Itoobiya si ay u qaadaan wareysiyo lagu xaqiijinayo aqoonsiga dadkaas. Laakiin dadka qaar ayaa sheegay in ay ka baqeen in ay la hadlaan wafdigaas oo ay u arkaan kuwo matalaya dowladdii ay ka carareen.

Wareysiyadaas ayaa lagu tilmaamay kuwo cadaadis lahaa, laga siiyay su’aalo aan khuseyn, isla markaana lagu dareemay hanjabaado dadban oo la xiriira qoysaskooda.

Booliska Socdaalka Norway ayaa diiday eedeymaha ah in lagu sameeyay dadkaasi cadaadis ama hanjabaad, iyagoo sheegay in dhammaan wadahadallada si hufan loo kormeerayay lagana sameeyay qoraallo rasmi ah.

Desta, oo xiriir joogto ah la leh kooxdan Itoobiyaanka ah ee muddo dheer dalka ku sugnaa, ayaa sheegay in ay ku sugnaayeen xarunta xabsiga Trandum muddo ku dhow saddex bilood iyagoo sugaya in si khasab ah dib loogu celiyo dalkooda.

Xigasho/kilde: Flere etiopiere kastes ut av Norge Nå – selvmordsforsøk avverget

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x