fredag, mai 9, 2025

Norway oo ka fakareyso in Booliska la hubeeyo.

Dowladda Norway ayaa ogolaatay qorshe cusub oo ogolaanaya in boolisku ay hub sitaan inta ay shaqada ku jiraan. Qorshahan ayaa loogu magac-daray hub-qaadashada guud.

Waxaan soo jeedinaynaa xeerar ogolaanaya in boolisku hub sitaan shaqadooda maalinlaha ah, ayey tiri Wasiirka Caddaaladda, Astri Aas-Hansen.

Hadda, booliska Norway hubkooda waxay ku haystaan gaariga, mana qaataan inta badan marka ay shaqada wadaan. Waxaa jira waqtiyo gaar ah oo loo ogolyahay in hubka ay qaataan.

Wasiiraddu waxay sheegtay in falalka dambiyada ah ee ka dhaca Norway ay kor u kaceen sanadihii u dambeeyay, isla markaana khatarta amni ee dalka ay muddo dheer sare u taagnayd. Waxaa sidoo kale sii kordhay kooxaha dambiyada abaabulan ka geysta gudaha dalka.

Boolisku waa inay si hufan dadka u difaacaan. Sidaas darteed, waxaan soo jeedinaynaa in la ogolaado in ay hub sitaan marka ay shaqeynayaan, ayey tiri wasiiraddu.

Go’aanka kama dambaysta ah ee marka hub la qaadanayo waxa go’aamin doona Hay’adda Maamulka Booliska (Politidirektoratet). Wasiiraddu waxay sheegtay in aysan jirin baahi hub loogu qaato hawlaha ka hortagga dambiyada iyo marka la la kulmayo carruurta iyo dhalinyarada.

– Hub Waa Xalka Ugu Dambeeya

Qorshahan cusub waxa uu yimid kadib codsi ay boolisku sameeyeen, iyaga oo sheegay in ay la kulmaan xaalado adag, kuna arkaan falal ay ku lug leeyihiin tooriyo iyo hub.

Aad ayaan ugu faraxsanahay in codsigeenna la dhegeystay, ayuu yiri Taliyaha Booliska, Håkon Skulstad.

Taliyuhu wuxuu intaas ku daray in booliska laga rabo in ay adeegsadaan awoodda ugu yar marka ay xaalad wax ka qabanayaan.

Adeegsiga hubku waa in uu noqdaa xalka ugu dambeeya oo kaliya, ayuu yiri Skulstad.

Wuxuu sidoo kale sheegay in booliska si xirfad leh oo badbaado leh hubka u maareeyaan, balse muhiim ay tahay in la siiyo tababar fiican.

Taliyaha booliska wuxuu sheegay in qorshahan cusub uu xoojin doono diyaar-garowga booliska, isla markaana u ogolaanayo in ay si dhakhso leh uga falceliyaan xaaladaha degdegga ah. Sidoo kale, qorshahani wuxuu muhiim u yahay badbaadada booliska laftooda.

Aad ayaan ugu faraxsanahay kalsoonida ay dowladda nagu qabto, ayuu yiri Skulstad.

– Dooda ka Dhalatay Qorshaha

Inta badan xildhibaanada Baarlamaanka Norway ayaa taageersan qorshahan. Laakiin xisbiyada Rødt, SV, Venstre, iyo MDG ayaa si cad uga soo horjeestay.

Ingvild Wetrhus Thorsvik oo ka tirsan xisbiga Venstre ayaa sheegtay in ay si weyn uga niyad-jabtay qorshahan.

Ma macno samaynayso in booliska Finnskogen ay hub qaataan sababtoo ah dambiyada Oslo mararka qaar sare u kacaan, ayey tiri sida laga soo xigtay wakaaladda wararka NTB.

Torgeir Knag Fylkesnes oo ka tirsan xisbiga SV ayaa isna sheegay in qorshahani uu dhaawici doono kalsoonida shacabka ee booliska, gaar ahaan dadka bulshada ka tirsan ee boolisku si gaar ah ugu baahan yahay in ay gaaraan.

– Dadka oo Badankood Taageeray Qorshaha

Tiro-koob la sameeyay bishii Abriil ayaa muujisay in 56 boqolkiiba shacabka Norway ay taageersan yihiin in boolisku hub sitaan. 27 boqolkiiba ayaa ka soo horjeeda, halka inta kale aysan mowqif cad ka qaadan.

Xigasho/kilde: Regjeringen åpner for generell bevæpning av politiet

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x