Ra’iisul wasaaraha Jonas Gahr Støre ayaa sheegay in dowladda Norway ay sannadkan soo qaadi doonto ilaa 15 bukaan oo cusub oo xiligan ku sugan marinka Qaza ee dhulka reer Falastiin. Warkan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.
“Nidaamka caafimaadka Gaza si weyn oo baaxad leh ayuu u burbruay,” ayuu yiri Støre. “Isbitaalladu waxay xiligan la tacaalayaan daryeelka dhaawacyada culus iyo cudurrada halista ah. Sidaas darteed, dowladda(Norway) waxa ay go’aansatay inay soo qaaado ilaa 15 bukaan oo dheeraad ah sannadkan.”
Dowladda Norway ayaa horey u go’aamisay sannadkii hore inay soo qaado ilaa 20 bukaan oo ka yimid Gaza. Labadii bukaan ee ugu dambeeyay waxay yimaadeen Norway 5-tii bishan May. Dhammaan bukaanadaasi waxay heleen ama hadda helayaan daaweyn caafimaad, sida ay sheegtay dowladdu.
Tan iyo xagaagii 2024, 206 bukaan ayaa laga daadgureeyay Gaza iyo Masar. 13 waddan oo Yurub ah ayaa aqbalay bukaannadan iyagoo ka qeyb galaya barnaamij Midowga Yurub uu bilaabay. Norway-na waa ka tirsan tahay barnaamijkan.