fredag, mai 30, 2025

Nin Lagu Soo Oogay Dacwad Nacayb iyo Jir-dil Ka Dhan ah Ilmo Yar iyo Qoys Soomaaliyeed.

Nin 36 sano jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad culus oo la xiriirta weerar nacayb iyo jir-dil ah oo uu ku qaaday hooyo Soomaali ah iyo afarteeda caruur ah, falkan ayaana bishii Luulyo ee sanadkii hore ka dhacay xaafadda Hovsetter ee magaaladda Oslo.

Sida lagu sheegay dacwadda, ninka ayaa si arxan darro ah u weeraray hooyada iyo caruurta, isagoo ilmihii ugu yaraa ee 11 bilood jirka ahaa ku dhuftay madaxa isagoo ku jiifa gaariga caruurta (barnevogn). Ilmuhu wuxuu ka dhaawacmay dhinaca midig ee madaxa. Sidoo kale, gabadh lix sano jir ah ayuu candhuuf uga ufay wajiga, halka hooyada uu jir-dilay, candhuufay, kuna weeraray hadallo cunsuriyad ah.

Sida lagu sheegay eedeynta rasmiga ah, ninkan ayaa weerarka ku qaaday hooyada oo ku jirtay xaalad nugul, maadaama ay wadataa afar caruur ah oo da’doodu kala duwanaa.

Waxaa gacan-ka hadalka u dheer oo ninkan lagu eedeeyay inuu ku qayliyay ereyo cunsurinimo ah ay ka mid yihiin:

  • “Jævla somaliere” (Nacaladyahay soomaalida ah, “Maxaad caruur u dhashay?, “Afrikaan baad tahay “Xijaabkaaga waa mid foolxun”

Weerarka ayaa ka dhacay meel goob dadweyne ah, iyada oo dadka maraya wadada iyo caruurta kale ee goobta joogtay ay arkayeen falka.

Dambiyo Kale oo Lagu Eedeeyay
Ninka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu watay toorrey xilliga uu weerarka fulinayay, isagoo qaatay hanti dad kale lahaayeen (tuuganimo), burburiyay hanti dadweyne, isla markaana si ula kac ah ugu hanjabay dad rayid ah iyo shaqaale ka tirsan degmadda Oslo. Waxaa intaa dheer, in uu horey xukunno uga soo maray dambiyo la xiriira rabshado iyo dhibaatooyin uu u geystay shaqaalaha caafimaadka, taas oo muujinaysa in uu leeyahay taariikh dambiyeed hore.

Xeer ilaalinta booliska: Kiiskani Waa Mid Culus oo Naxdin Leh
Xeer ilaaliye Caroline Gunvaldsen Lieungh, oo dacwaddan wakiil ka ah xeer-ilaalinta, ayaa sheegtay in kiiskan uu yahay mid aad u culus, maadaama uu si gaar ah u beegsaday caruur da’doodu aad u yar tahay, isla markaana uu isticmaalay nacayb ku saleysan qowmiyad iyo diinta hooyada iyo carruurta.

– “Waxaan si weyn uga walwalsanahay falalkan, gaar ahaan marka caruurta yaryar si toos ah loogu bartilmaameedsado. Nidaamka garsoorku wuxuu arrintan u arkaa mid aad u xun oo leh saameyn nafsi ah oo daran, gaar ahaan carruurta oo falka markhaati ka ahaa,” ayay tiri Lieungh.

Qareenka Qoyska: Waa Dhacdo Naxdin Leh
Bistandsadvokatka qoyska, Trond Eirik Aansløkken, ayaa sheegay in dhacdadani ay ahayd mid si weyn u argagax gelisay hooyada iyo carruurteeda, isla markaana saameyn nafsiyeed oo culus ku reebtay.

– “Hooyada iyo carruurta waxay marayaan waqti adag, weli waxay dareemayaan cabsi iyo walaac xitaa kadib dhacdada. Waxaa muhiim ah in caddaalad la helo,” ayuu yiri qareenka.

Dacwadda oo Si Rasmi ah u Bilaabanaysa
Dacwaddan ayaa lagu wadaa in ay si rasmi ah uga furanto maxkamadda Talaadada soo socota. Waxaa la filayaa in eedeysanaha uu markaas ka bixiyo jawaab rasmi ah oo ku saabsan eedeymaha loo jeediyay.

Haddii lagu helo dambiyada loo haysto, ninkan wuxuu wajihi karaa xabsi gaaraya ilaa 10 sano, maadaama falka ugu culus ee lagu soo oogay uu yahay dhaawac culus oo loo geystay qof kale (grov kroppsskade), taasoo leh ciqaab xabsi ah oo aad u sareysa.

Dowladda iyo hay’adaha u dooda xuquuqda carruurta ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid u baahan in si adag looga hortago, si loo ilaaliyo badqabka carruurta iyo hooyooyinka nugul.

Xigasho/kilde: Mann tiltalt for hatkrim og vold mot baby

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x