Maxkamadda Oslo ayaa xabsi ku xukuntay Haweeney 30-meeyo jir ah kadib markii lagu helay danbi ah in ereyo cunsuriyad ah ku dhahday carruur dhigata xannaano ku taal magaalada Oslo. Sida ay qortay warbaahinta VårtOslo, maxkamadda Oslo ayaa haweeneydan ku xukuntay xabsi shuruudaysan oo gaaraya 35 maalmood iyo ganaax lacageed oo dhan 10,000 krone.
“Waxay ahayd dhacdo aad cabsi badan oo xanuun leh carruurta,” ayaa lagu sheegay xukunka maxkamadda.
Haweeneyda ayaa maxkamadda ka sheegtay inay hadallada afka uun ay ka tiri, balse aysan si toos ah ula hadlin carruurta xannaanada dhigata. Waxay ku qaylinaysay ereyo ay ka mid ahaayeen “waxaad tahay qof madow oo waa inaad dalkaaga ku noqotaa,” iyo “anigu waxaan ahay qof cadaan ah oo halkan iska leh, idinkuna waa inaad baxdaan.”
Shaqaale ka tirsan xannaanada ayaa maxkamadda u sheegay in haweeneydu ay darbiga ka soo istaagtay xanaanadda oo carruurta u qaylinaysay, arrintaas oo ay maxkamaddu rumeysatay. Maxkamaddu sidoo kale ma rumaysan sheegashada haweeneyda ee ahayd in carruurtu aysan fahmin nuxurka iyo ujeedada hadalladeeda.
Waxaa sidoo kale lagu helay inay hanjabaado ku samaysay shaqaalaha xannaanada iyo inay booliska ugu hanjabtay dil. Markii la qabtay ayay diiday inay la hadasho booliska, iyadoo dalbatay inay la hadasho oo keliya arday boolis ah oo asal ahaan Norwiiji ah.
Dhacdadan ayaa dhacday bishii Oktoobar sannadkii hore.