Sabti 24-kii bishan May, waxaa masaajidka Tawfiiq ku qabsoomay kulan aqoon kororsi iyo khibrad isweydaarsi ah, kaas oo ay looga hadlayay mawduuca muhiimka sii noqonayo ee cunsuriyada jinsiyadeed, takoorka diimeed ama midab ama naceybka ka dhanka dadyowga ajaaniibta ah oo ay soomaalidu kow ka tahay.
Kulanka waxaa soo wada qabanqaabiyeen Markaska Tawfiq Islamsk senter iyo xarunta NorSom Media iyo Informasjonssenter. Waxaana lagu casuumay hey addaha dowliga ah iyo kuwa bulshada rayidka ee ka shaqeeya mawduucan, booliska, aqoonyahano ayaa lagu soo bandhigay xog, aqoon-iyo afkaaro kala duwan oo la xiriira saameynta mawduuca ee qofka iyo bulshada, ka hortagiisa iyo hadii uu qofku la kulmo dhacdo la xiriirta cunsuriyad iyo faquuq, sidii uu qaab sharci ah oo kalsooni labo dhinacle ah ku dhisan hey addaha khuseeya ula qeybsan karo.
Kulanka waxaa sidoo kale lagu xoojiyay xaqiiqadda muhiimadda iyo doorka ay xarumaha diimahu u leeyihiin bulshada soo galootiga ah, gaar ahaan marka ay timaado isku xirka, iska warqabka, talo-siinta iyo hagida bulshada ee caqabaddaha maalinlaha ah ee lasoo gudboonaado qofka.
Waxaan u mahadcelineynaa maamulka Masaajidka Tawfiiq ee dadaalka xoogan galiyay qabsoomiadda kulanka, iyo suurtogalintiisa. Waxaa sidoo kale u mahadcelineynaa dhamaan aqoonyahanka, masuuliyiinta ka socday xarumaha dowlada iyo kuwa ururadda ee kulanka qeybta ka ahaa, iyo dadkii kale ee kulanka kasoo qeybgalay.