Dowladda Sweden ayaa shaacisay qorshe cusub oo ay ku doonayso in dhalashada/jinsiyada Swedish-ka lagala noqdo dambiilayaasha ku lugta leh dambiyada abaabulan, kuwaas oo haysta dhaladshada iyo baasaboorka wadan kale oo aan Sweden aheyn. Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowlada Sweden, in ka badan 1100 qof oo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxaha dambiyada abaabulan ka shaqeeya, ayaa haysta baasaboorka dalka Sweden iyo baasaboor dal kale.
Wasiirka socdaalka ee Sweden, Johan Forssell, ayaa sheegay:
– Kooxaha ka shaqeeya dambiyada abaabulan ma ahan inay isticmaalaan baasaboorka Swedish-ka si ay ugu safraan dunida ama ugu sii nagaadaan gudaha Sweden.
Sidaas darteed, dowladda Sweden ayaa ku dhawaaqday in si degdeg ah loo sameeyo daraasad sharci ah oo lagu saleynayo soo jeedintan cusub. Qorshuhu wuxuu si gaar ah ugu jeedaa dadka haysta labo dhalasho kuwaas oo ku lug yeeshay dambiyo si weyn u halis gelinaya amniga qaranka, ama waxa lagu tilmaamay “dambi wax u dhimaya danaha ahmiyada qaraneed ee aas-aasiga ah u ah dowladda Sweden”.
Hoggaanka daraasaddan ayaa loo dhiibay Anita Linder, oo la filayo inay faahfaahin ka bixiso shuruudaha iyo qeexidda dambiyada la xiriira “danaha muhiimka ah ee dowladda”.
Xisbiga mucaaradka ah ee Socialdemokraterna ayaa dhaliilay isticmaalka erayga “danaha muhiimka ah ee dowladda”, iyagoo ku andacoonaya in qeexiddaasi ay tahay mid aad u ballaaran oo mugdi ku jirto.
Daraasaddan sharciyeed ayaa la filayaa in la dhameystiro 20-ka Maarso 2026.
Si kastaba ha ahaatee, si loo beddelo sharciga muwaadinimada Sweden, waxaa loo baahan yahay wax ka beddel dastuurka. Taas macnaheedu waa in mudo ay qaadan karto ansixinta iyo waxbadalka dastuurka iyo qodobadda taabanayo muwaadinimadda, waxaana ugu horeyn sharcigan uu baarlamaanka imaan karaa wixii ka dambeeyo bisha September ee sanadka 2026.
Xigasho/kilde: Sverige vil ta gjengkriminelles statsborgerskap