OSLO – Booliska Oslo ayaa qabtay oo xiray Labo qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin qarax fiidkii Sabtida ka dhacay guri ku yaalla xaafadda Kampen ee magaalada Oslo. Qaraxaasi ayaa sababay burbur, waxaana la arkayay guriga uu qaraxu ka dhacay oo daaqadihiisu ay soo daateen.
Booliska ayaa sheegay inay qabaan tuhun ah in wax halis ah lagu farsameynayay gudaha guriga, taas oo keentay in qaraxa uu dhaco. “Waxaan aaminsanahay in qaraxu uu sababay wax lagu farsameyay gudaha Guriga. Ugu yaraan hal daaqad ayaa qaraxu jebiyay, waana arrin muujinaysa in qaraxu uu ahaa mid xoog leh,” ayuu yiri Steinar Bjerke, oo ah sarkaalka hoggaaminayay howlgalka booliska,oo la hadlay TV2.
Qaraxa ayaa dhacay abaare 19:00 fiidnimo, waxaana markiiba goobta gaaray ciidanka ammaanka iyo adeegyada gurmadka degdegga ah. Boolisku waxay sheegeen in xilliga qaraxa uu dhacay ay guriga joogeen labo ilaa saddex qof. Wararkii hore ayaa sheegay in mid ka mid ah dadkaas uu dhaawac fudud qabo, balse markii dambe la xaqiijiyay inuusan wax dhaawac ah ka soo gaarin.
Mona Nordby, oo ka tirsan qeybta dambi baarista ee booliska Oslo, ayaa xaqiijisay in labada qof ay hadda ku jiraan marxaladdaha “eedeeysane”, loona haysto dembi la xiriira jebinta xeerka ilaalinta dabka iyo qaraxyada, sida uu qoray NRK.
Booliska ayaa xalay illaa saaka sameeyay baaritaanno lagu xaqiijinayo waxa sababay qaraxa. Qeybta hoose ee guriga uu qaraxu ka dhacay ayaa la xayiray iyadoo laga sameeyay baaritaanno dheeraad ah.
Dadka dariska la ah guriga uu qaraxa ka dhacay ayaa si iskood ah u banneeyay guryahooda sababo la xiriira xaalad amni. Si kastaba ha ahaatee, booliska ayaa baaritaano kadib dadkaas u oggolaaday inay dib ugu laabtaan guryahooda saacado uu kadib marka uu qaraxu dhacay.
Xigasho/kilde: To mistenkt etter eksplosjon på Kampen i Oslo