fredag, april 25, 2025

Xusuuso waraaqda warbixinta canshuurta (Skattemeldingen).

Waxaa sii dhawaatay xiliga kama dambeysta ah ee dadka shaqeeya ama kaalmooyinka kala duwan ka qaata dowlada ay dib u celin lahaayeen warbixin sanadeedka canshuurta.

Waa muhiim inaad dib u eegto xisaabaadka ku xusan warqada canshuurta si aad u xaqiijiso in xogta ay sax tahay. Haddii aad la kulanto dhibaato ama aadan si fiican u fahmin, waxaad weydiin kartaa qof aad ku kalsoon tahay inuu kaa caawiyo.

Ha iloobin inaad buuxiso dhammaan fursadaha lagaaga dhimi karo canshuurta (fradrag):

Fradrag waa wax kaa dhimi kara inta canshuur ah ee lagaa qaadayo. Waxaa muhiim ah inaad hubiso haddii aad xaq u leedahay qaar ka mid ah fradragyada caanka ah:

1. canshuur dhimista Safarka (Reisefradrag):

Haddii aad u kala safarto masaafo dheer guriga iyo shaqada, waxaa laga yaabaa inaad xaq u leedahay canshuur dhimis. Waa inaad si gaar ah u buuxisaa warbixinta, qeybta ka hadleyso masaafyadda safarka. Haddii aadan hubin, waxaad isticmaali kartaa kalkuleytarka Skatteetaten – waxaad gelisaa ciwaankaaga iyo kan shaqada, kadibna waxaad heleysaa jawaab.

2. Deeqo la siiyay ururada samafalka:

Ma siisay lacag ururo samafal ah sida Redd Barna ama Leger Uten Grenser sanadkii 2024? Haddii ay jawaabtu tahay haa, waxaa laga yaabaa inaad hesho canshuur-dhimis. Ururka laftiisa ayaa xogtaas u gudbiya Skatteetaten. Haddii aadan ku arkin warbixinta canshuurta, la xiriir ururka si ay xogta u diraan.

3. Wadada dheer ee xarunta xanaanadda:

Haddii aad si joogto ah ugu kaxeeyso caruurta xarunta xanaanadda (barnehage) adigoo shaqo u sii socdo, oo aad maalin walbe goyso safar dheer, waxaad heli kartaa canshuur dhimis,

4. canshuur dhimis kale oo aad xaq u yeelan karto:

Ka hor intaadan gudbin skattemeldingen-kaaga, isticmaal kalkuleytarka canshuur dhimista ee Skatteetaten. Waxaad calaamadeyn kartaa xaaladaha kugu habboon, markaas waxaad ogaaneysaa haddii aad xaq u leedahay canshuur dhimisyo dheeraad ah.

Xusuusnow:

  • Ugu dambeyn 30-ka Abriil waa waqtiga kama dambaysta ah ee lagu gudbin karo skattemeldingen.
  • Haddii aad horey u dirtay, laakin aad aragtay in aad wax ka hilmaantay, waxaad mar kale dib u buuxin kartaa oo dib u diri kartaa kahor taariikhdaas.
Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x