fredag, april 18, 2025

USA: Qoraaladda aad Baraha bulshada ku qorto, ayaad Viso ku waayi kartaa

Dowlada dalka Mareykanka ayaa hadda si rasmi ah u shaacisay in hadallada iyo qoraaladda lagu uu qofku ku baahiyo baraha bulshada ee taageeraya kooxaha argagixisada lagu daray liiska Maraykanka — sida Hamas, Xisbullah iyo dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta — ay sabab u noqon karaan in qof raba inuu soo booqdo Mareykanka loo diidi karo codsiyada fiisaha. Arrintan ayaa sidoo kale waxa ay saameyneysaa hadallada naceybka ah ee ka dhanka ah qawmiyada Yuhuudda.

Wasiirka amniga gudaha ee Mareykanka, Kristi Noem, ayaa si cad u sheegtay in “ Qof kasta oo ku fakaraya imaanshaha Mareykanka, ay muhiim u tahay inuusan ku gaban xoriyada hadalka, hadii uu faafiyo hadalo naceyb ah oo ka dhan qawmiyada yuhuuda, ama hadalo lagu taageero kooxaha loo arko argagaxisada.

Afhayeenka wasaaradda, Tricia McLaughlin, ayaa sheegtay in “dadka noocaas ah aan lagu soo dhaweyn doonin waddanka.”

Go’aankani wuxuu dhaqan galay maalintii Arbacada wuxuuna saameynayaa codsiyada fiisaha ardayda, oggolaanshaha deggenaanshaha iyo shatiga shaqada.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay dabayaaqadii bishii Maarso in ku dhowaad 300 qof laga qaaday fiisaha, isla markaana la filayo in dad kale oo badan laga xayuubiyo maalin kasta.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadeyso xili dad badan oo dhawaan safar ku tagay Mareykanka ay sheegeen in ilaalalada xuduudaha dalkaas ay ka qaadeen mobilkooda gacanta, ayna baaritaan ku sameeyeen barahooda bulshada.

Xigasho/kilde: USA vil granske visumsøkeres aktivitet i sosiale medier

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x