Soomaalida kunool dalkan Norway, ayaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2024, dalka Soomaaliya u dirtay lacag gaareyso 362 milyan oo lacagta dalkan Norway. Lacagtaas oo qiyaastii u dhiganta 34,5 milyan oo dollar. Waxaana tiradaas laga soo xigtay hey adda diiwaangalinta dhaq-dhaqaaqa maaliyadeed ee dalka dibadiisa loo diro ee Valuta Registeret oo hoos tagto waaxda canshuuraha Norway.
Warbixin uu arrintaas ka diyaariyay wargeyska Panaroma ayaa lagu sheegay in soomaalidu ay yihiin qawmiyada ajnabiga ah ee lacagta ugu badan u dirta dalkooda hooyo, waxaana soo raaca dadka kasoo jeedo Afgaanistan oo sanadkii dalkooda u dira 353 milyan oo lacagta Norway ah.
Qawmiyadaha ajaaniibta ah ee kunool dalkan Norway ayaa isku dar dalalkoodii hooyo u diray lacag gaareyso 2,8 bilyan oo lacagta Norway ah.
Dood siyaasadeed:
Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waxaa soo noq-noqday doodo siyaasadeed oo su aalo la isaga weydiinayo lacagaha tirada badan ee qawmiyadaha ajaaniibta ah ee Norway kunool ay u dirayaan dalalkoodii hooyo, iyo saameynta ay arrintaas ku yeelaneyso nolosha qoysaska ajaaniibta ah ee lacagahaas dira, kuwaas oo qaar badan oo kamid ah ay kunool yihiin kaalmooyinka dhaqaale ee dowlada.
Xisbiyada qaarkood ayaa soo jeediyay dood ah in la mamnuuco in dadka ajaaniibta ah ee qaata kaalmooyinkla dhaqaale ee dowlada ay dalka dibadiisa lacag u diraan, halka xisbiyada qaarkood ay qabaan ay canshuur dhaaf loo sameeyo dadka dalka dibadiisa u dira lacagaha lagu taageerayo qoysaskooda kunool dibadda.
Dalalkan ayay kasoo jeedaan ajaaniibta lacagaha ugu badan ka dira Norway:
1. Somalia: 362 millioner kroner
2. Afghanistan: 353 millioner kroner
3. Pakistan: 239 millioner kroner
4. Romania: 166 millioner kroner
5. Tyrkia: 128 millioner kroner
6. Eritrea: 115 millioner kroner
7. Filippinene: 71 millioner kroner
8. Kenya: 70 millioner kroner
9. Thailand: 67 millioner kroner
10. Marokko: 57 millioner kroner
Så mye penger sendte diaspora-grupper i Norge tilbake til hjemlandet i fjor