Gudiga maamulka guud ee shirkada tagaasida Oslo Taxi, ayaa shaqada ka ceyrisay Tonje Grave oo shirkadaas maamule guud ka aheyd tan iyo sanadkii 2022.
Sababta xilka looga qaaday ayaa lagu sheegay inaysan shirkada gaarsiin heerkii natiijo ee laga filanayay, sida uu warbaahinta u sheegay Rune Lian oo ah gudoomiyaha gudiga shirkada Oslo Taxi.
Gudiga ayaa sidoo kale go aamiyay in maamulihii hore ee shirkada ay isla maantaba ka degto xilka, waxaana arrintaas lagu wargaliyay shaqaalaha shirkada. Waxa ayna gudiga shirkadu hada baadigoob u gali doonaa maamule cusub ee badala maamula shaley shaqada laga ceyriyay.