fredag, april 25, 2025

R.W Norway oo la kulmi doono D.Trump.

Khamiista soo socota Ra’iisul Wasaaraha Norway, Jonas Gahr Støre, ayaa la kulmi doona madaxweynihii dalka Mareykanka, Donald Trump. Kulanka ayaa ka dhacaya Aqalka Cad ee magaalada Washington, iyadoo Wasiirka Maaliyadda Jens Stoltenberg uu sidoo kale qeyb ka yahay wafdiga Norwegian-ka ee la socdo reysulwasaaraha Norwa.

– Waxaa jira xiriir adag oo ka dhexeeya Mareykanka iyo Norway. Mareykanka waa saaxiibkeenna ugu muhiimsan, ayuu yiri Støre.

Kulanka ayaa lagu wadaa in lagu gorfeeyo arrimo badan, oo ay ku jiraan ganacsiga iyo dagaalka ka socda Ukraine. Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu 15% canshuur kusoo rogo badeecooyinka ka yimaada Norway.

Madaxda dalal kale ee caalamka qaarkood ayaa horey ula kulmay Trump, sida madaxweynaha Faransiiska iyo ra’iisul wasaaraha Britain.

– Mareykanka wuxuu Norway u arkaa saaxiib muhiim ah. Taasna waxaa ka marqaati ah casuumaadda kulankan, ayuu yiri Støre, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska VG.

Donald Trump ayaa ku guuleystay doorashadii madaxweynaha Mareykanka sanadkii hore. Kadib guushaas, Støre iyo Trump ayaa ku wada xiriiray telefoon.

Norway ayaa sidoo kale rabta inay Mareykanka ka xaqiijiyaan adkeynta heshiiska difaaca amni ee Nato ee Norway qeyb ka tahay.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x