søndag, april 27, 2025

Norway: Tirada Haweenka qaba “macaanka uurka” oo aad u korortay.

Tirada haweenka uurka leh ee la ogaado in ay qabaan macaanka uurka (gestational diabetes) ayaa si aad ah ugu korortay Norway, gaar ahaan sanadka 2024. Isbedelka da’da, kororka miisaanka (BMI), iyo inay Norway kusoo badanayaan haweenka uurka leh ee asal ahaan ajnabiga ayaa qeyb ka ah isbadalkan, waxaa sidaas lagu sheegay warbixin kasoo baxday hey adda caafimaadka dadweynaha Norway.

Macaanka uurka: Saameyn sii kordheysa

Macaanka uurka wuxuu qofka iu dhacaa marka jidhku uusan soo saarin insulin ku filan xilliga uurka, taasoo keenta heer sare oo sonkorta dhiigga ah. Dumar badan oo miisaankoodu sareeyo marka ay uur yeeshaan, dumarka asal ahaan ka soo jeeda Aasiya ama Afrika, dumarka uu horey ugu dhacay macaanka uurka, ama kuwii horey u dhalay caruur miisaankoodu ka badnaa 4.5kg, ayaa halis ugu jira, sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday heyadda FHI.

Sanadkii 2015 waxa la ogaaday in 4.5% haweenka uurka leh ay qabaan macaanka uurka, halka sanadkii 2024 uu koray ilaa 7.4%. Gobolka Østfold ayaa leh tirada ugu badan, iyadoo 11.1% haweenka uurka leh la ogaaday, halka Finnmark uu yahay midka ugu hooseeya oo leh 4.5%.

Dhibaatooyin dheeraad ah

Madaxa guud ee qeyba diiwaangalinta dhalmada Liv Cecilie Vestrheim Thomsen ayaa sheegtay in kororka kiisaska uu keenayo in haween badan aanay marin habka caadiga ah ee uurqaadista, iyadoo la raacayo kormeer adag iyo daaweyn dheeraad ah, sida isticmaalka insulin.

Dumarka qaba macaanka uurka ayaa waxaa kor u kaca jaaniska ah inay u baadaan in ilmaha lagu qalo, (keisersnitt), waxeyna ayna tiradooda tahay 15.6% marka la barbar dhigo 11.3% ee guud ahaan dhalmada.

Sababaha kororka

Sanadkii 2017 ayaa la soo saaray tilmaamo cusub oo fududeeyay ogaanshaha macaanka uurka, taas oo keentay in haween badan lagu ogaado xanuunka. Intaa waxaa dheer, celceliska da’da haweenka dhalaya ayaa korodhay laga bilaabo 30.9 sano (2017) ilaa 31.9 sano (2024), iyo miisaankooda kahor uurka ayaa isna kordhay.

Haweenka asal ahaan ka yimid Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya ayaa si gaar ah ugu nugul, iyadoo 16.1% haweenka ka yimid Aasiya iyo Oseania la ogaaday inay qabaan macaanka uurka sanadkii 2024, marka loo eego 6.1% haweenka ku dhashay Norway.

Saameynta mustaqbalka

Macaanka uurka wuxuu kordhiyaa halista dhimashada ilmaha uurka ku jira, culayska xad dhaafka ah ee ilmaha, iyo sidoo kale halista mustaqbalka ee nooca 2aad ee macaanka iyo cudurada dheef-shiidka ee hooyada iyo ilmaha.

Si kastaba, baaritaanadda xili hore oo uurka ah iyo daaweynta saxda ah waxay si weyn u yareyn kartaa khatarahaas.

Xigasho/kilde: Flere kvinner får svangerskapsdiabetes

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x