Maxkamadda magaaladda Oslo ayaa mar kale diiday inay aqbasho/dhageysato dacwada uu Mahad Abiib ka gudbiyay heyaddaha qoxootiga dowlada Norway oo sanadkii 2017 Mahad ka qaaday jinsiyada Norway. Waxeyna maxkamadda mar kale kiiska u xukuntay hey adda UNE oo ay dacwadu kala dhaxeysay Mr Abiib.
Sida uu qoray TV2, maxkamadda ayaan aqbalin dooda Mahad Abiib uu ah inuu yahay muwaadin soomaali ah oo kasoo jeedo dalka Soomaaliya, iyo in aqoonsigiisa soomaliyeed uu sharci kaga helay dalka Faransiiska oo uu hada ku noolyahay.
Magnus-Johan Færø oo ah xeer ilaaliyaha dowlada Norway ku matalayay maxakamdda ayaa sheegay in boolisku Norway ay horey u xaqiijiyeen in Mahad uu kasoo jeedo dalka Jabuuti, sida ay dowlada Jabuuti u xaqiijisay Norway.
Qareenka Mahad, Arild Humlen oo kiiska kusoo oogay dowlada, ayaa sheegay in dowlada Jabuuti ay marar badan cadeysay in Abiib uusan aheyd muwaadin dalkaas kasoo jeedo, balse ay arrintaas rumeysan la yihiin hey addaha Norway.
Qareenka Abiib ayaa sheegay inay jiraan wadooyin furan oo uu Abiib weli dib ugu soo noqon karo Norway.
Xigasho/kilde:Kjemper for https://www.tv2.no/nyheter/innenriks/kjemper-for-a-fa-komme-til-norge-tapte-ny-runde/17628020/å få komme til Norge – tapte ny runde