Oslo – Tirakoob cusub oo la helay ayaa muujinaya in ku dhowaad 2000 qof oo ku noolaa Norway ay u dhinteen cabitaanka khamradda, shantii sano ee la soo dhaafay. Celcelis ahaan, tirada dadka u dhinta khamriga ayaa korortay shantii shano ee lasoo dhaafay, marka la barbar dhigo shantii sano oo ka horreysay.
Sida laga soo xigtay raadiyaha P4, oo helay xogta Diiwaanka Sababaha Geerida ee Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha (Folkehelseinstituttet – FHI), 400 qof oo Norwegian ah ayaa sanadkii hore u dhintay cabitista khamriga. Intii u dhaxaysay 2020 ilaa iyo 2024 waxaa la diiwaan geliyay 1998 qof oo si toos ah ugu dhintay khamri, halka muddadii u dhaxaysay 2015 ilaa 2019 ay tiradu ahayd 1688.
Celcelis ahaan, 398 qof ayaa sanad walba u dhintay khamri muddadii 2020–2024, marka la barbar dhigo 338 qof sanadkii intii u dhaxeysay 2015–2019.
– “Siyaabo badan, waxa ay tiradan muujin kartaa waxyar oo tirada guud kamid ah,” ayuu yiri Jørgen Bramnes, oo ah cilmi-baadhe sare oo ka tirsan Folkehelseinstituttet, khabiirna ku ah maandooriyaha iyo la-qabsiga jirka ee mukhaadaraadka.
Tirakoobka FHI wuxuu diiradda saaray oo keliya kiisaska uu khamrigu si toos ah u sababay dhimashada. Bramnes wuxuu xusay in khamrigu uu saameyn xun ku leeyahay xanuunno iyo xaalado caafimaad oo badan.
Inkastoo 400 qof oo Norwegian ah ay si toos ah ugu dhinteen khamriga sanadkii hore, khubaradu waxay ka digeen in tirada dhabta ah ee dadka u dhinta xaalado la xiriira cabitaanka khamriga ay aad uga badan tahay intaas.
– “Khamrigu wuxuu door xun ku leeyahay xaalado iyo cudurro badan. Tusaale ahaan, haddii qof uu u dhinto cudurka wadnaha ama xididdada dhiigga, waxay u badan tahay in cadaadiska dhiigga ee sare uu qeyb ka yahay sababta – taasoo khamriga si weyn u kiciyo,” ayuu yiri Jørgen Bramnes, cilmi-baadhe sare oo ka tirsan Folkehelseinstituttet.
– “Tirada dhabta ah ee dadka u dhinta xaalado la xiriira isticmaalka khamriga waa mid aad, aad uga sarreysa tan rasmiga ah,” ayuu si xooggan u muujiyay Bramnes.
Sida lagu sheegay xogta sanadka 2024, 176 ka mid ah 400-ka dhimasho ee khamrigu sababay ayaa loo diiwaan geliyay qaybta “Xanuunada maskaxda iyo dabeecad beddelka ee ka dhasha isticmaalka khamriga”. Halka 163 dhimasho lagu tilmaamay “Cudurka beerka ee uu sababo khamriga”.
Bramnes iyo ururka Av-og-til waxay ugu baaqayaan bulshada iyo dowladda in la qaado tallaabooyin ballaaran oo lagu yareynayo saameynta khamriga ee caafimaadka dadweynaha.