Booliiska Denmark ayaa baaraya nin looga shakisan yahay inuu habeenimadii Isniintii toorey ku dilay gabar Soomaali ah oo 21 sano jir ahayd, dhacdadaas oo ka dhacday xaafadda Gormsvej ee magaalada Herning. Booliisku waxay rumeysan yihiin in weerarku uusan ahayn mid si aan kala sooc lahayn loo fuliyey.
Marxuumadda ayaa la helay waxyar un kadib 9:00 habeennimo iyadoo qabta dhaawacyo badan oo toorey ah. Dad marayey goobta ayaa la xiriiray adeegyada gurmadka degdegga ah, waxayna isku dayeen inay u fidiyaan gargaarka deg-degga ah, balse waxaa markii dambe geerideeda lagu xaqiijiyey isbitaalka Gødstrup. Booliiska ayaa sheegay in baaritaanka lagu sameyn doono meydka Talaadada.
Booliisku waxay sheegeen in ninka looga shakisan yahay uu ka baxsaday goobta isagoo u jihaysan dhanka Silkeborgvej iyo Herning Center. Waxaa lagu tilmaamay inuu yahay nin u dhexeeya 20 ilaa 25 sano jir, dhererkiisuna yahay qiyaastii 180 sentimitir (5’9), jir ahaanna caato ama dhexdhexaad ah, maqaarkiisuna yahay bunni.
Muuqaal ahaan, waxaa lagu sifeeyey inuu u egyahay qof ka soo jeeda Bariga Dhexe. Markii ugu dambeysay waxaa lagu arkay isagoo xiran surwaal isboorti oo madow ah, jaakad buuran oo madow iyo af-saab.
“Waxaan hawlgallo ka wadnay aagga habeenkii oo dhan, annagoo adeegsaneyna diyaarado aan duuliye lahayn iyo eeyaha booliiska,” ayuu yiri Taliye Hans Roost oo ka tirsan Booliiska Bartamaha iyo Galbeedka Jutland. “Waxaan si weyn u daneynaynaa in aan helno xog kasta oo la xiriirta wixii aan caadi ahayn ee la arkay.”
Booliiska ayaa ugu baaqay dadka deegaanka ee leh kamarado ammaanka ama dashcam-yada inay dib u eegaan duubistooda laga soo bilaabo 7:00 ilaa 10:00 fiidnimo ee Isniintii, gaar ahaan agagaarka Gormsvej.
Sidoo kale, muuqaalada laga duubay Axaddii iyo waaberigii Isniintii ayaa loo arkaa inay wax tar yeelan karaan. Dadka xog haya waxaa la oggol yahay inay si qarsoodi ah talooyin u gudbiyaan.
“Haddii aad waddadaasi ku martay baabuur leh dashcam, ama halkaas ku joogtay, fadlan nala soo xiriir,” ayuu yiri Roost.
Illaa iyo hadda, hubkii lagu dilay gabadha lama helin, sidoo kalena qofna looma xirin kiiskan.
Roost wuxuu sheegay in natiijooyinka hore ay muujinayaan in gabadha si gaar ah loo bartilmaameedsaday. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in baaritaanku wali furan yahay, isla markaana dhammaan suurtagalnimada la tixgelinayo.
“Waqtigaan faahfaahin dheeri ah kama bixin karo, balse waxaa jira caddeymo xooggan oo muujinaya in weerarku uusan ahayn mid aan loo qorsheyn,” ayuu yiri.
Subaxnimadii Talaadada, booliisku waxay saldhig booliis oo guur-guura ka hirgeliyeen xaafadda Gormsvej si ay gacan uga geystaan baaritaanka una taageeraan dadka deegaanka ee walaacsan. Waddooyinkii horay loo xiray ee ku yaallay Gormsvej, Thyrasvej iyo Silkeborgvej ayaa la furay mar dambe iyadoo la dhimay joogitaanka booliiska ee halkaas.
Qof kasta oo haysta xog ama aragti la xiriirta kiiskan waxaa lagu boorriyey inuu la xiriiro Booliiska Bartamaha iyo Galbeedka Jutland, lambarka 114.
Xigasho: C.O