Tirokoob ay diyaarisay heyadda caafimaadka dadweynaha Norway ee FHI, sanadkii lasoo dhaafay ee 2024, waxaa dalka Norway laga diiwaangaliyay 727 kiis oo la xiriira dad naftooda gacantooda ku qaaday(isdilay).
535 qof oo kamid ah dadka isdilay ayaa rag ah, halka dumarku ay yihiin 192. Waxeyna arrintan walaac xoogan ku abuurta hay’adaha caafimaadka iyo khubarada caafimaadka dhimirka.
Kala bar dadka isdilay ayaa da ahaan ka yar 47 sano sida laga soo xigtay xogtan.
Hey addaha caafimaadka Norway ayaa wacyi galin xoogan ka wado kahortaga dadka raba inay isdilaan, iyo guud ahaan caafimaadka dadweynaha ee dhimirka.
Maxaa sababa ismiidaaminta?
– Marar badan waxaa isdilka keena dhacdo gaar ah oo nafta qofka si toos ah u saameysa – tusaale ahaan, dhibaato xiriir ah ama cudur halis ah oo si lama filaan ah uga soo ifbaxa, ayuu yiri agaasime ku xigeenka waaxda ee Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha, Kim Stene-Larsen.
Xanuunnada dhimirka qaarkood, iyo sidoo kale isticmaalka khamriga iyo mukhaadaraadka, waxay si weyn u kordhiyaan halista isdilka. Xaaladaha bulshada sida hoos u dhaca dhaqaale iyo sinaan la’aanta bulsho ayaa iyaguna saameyn ku yeelan kara tirada dadka naftooda gooya.
– Sababaha ismiidaaminta waa kuwo adag oo isku dhafan. Marar badan, dhowr arrimood ayaa si isku mar ah u kulma, ayuu xusay Kim Stene-Larsen. Laakiin, si kasta oo ay u dhacdo, isdil walba waxay u tahay qoyska uu qofku ka tago musiibo weyn.
Tirada ugu badan ee ismiidaaminta ayaa laga diiwaan geliyaa kooxaha da’doodu u dhaxeyso 30–49 sano iyo 50–69 sano. Tirada ugu yarna waxaa laga helaa dadka da’da ah ee aadka u weyn, halkaas oo dhimashada cudurradu ay aad ugu badan tahay. Si kastaba ha ahaatee, heerka dhimashada ee kooxaha da’da weyn wuxuu la siman yahay kan dadka u dhexeeya 30 illaa 69 sano jir, sababtuna waa in dad yar oo kooxahaas ka tirsan ay weli nool yihiin.
– Waxaa sidoo kale la arkay in dadka da’da weyn ay yihiin kuwa heerka ismiidaaminta ugu sii kordhaysa sanadihii u dambeeyay, ayay sheegtay Dr. Marianne Strøm.