mandag, april 28, 2025

Dowlada oo mamnuucday xayeysiinta cuntooyinka aan caafimaadka u fiicneyn

Dowladda Norway ayaa ansixisay xeer cusub oo mamnuucaya xayeysiinta cuntada iyo cabitaanka aan caafimaadka u wanaagsanayn ee si gaar ah loola beegsado carruurta aan qaangaarka aheyn.

Wasiirka caafimaadka Jan Christian Vestre ayaa sheegay in dowladda ay dooneyso in carruurta la siiyo fursad ay ku doortaan nolol caafimaad leh, iyada oo laga ilaalinayo cadaadis dhanka xayeysiimaha ka imaan karo oo keeni kara cunno xumo.

Badeecooyinka sida nacnaca, cabitaanka sonkorta leh, jalaatada iyo energy-drinkiga looma xayeysiin karo carruurta, sida uu qabo sharcigan cusub. Alaabooyinka kale sida waxyaabaha lagu quruucdo, yogurt-ka iyo cuntada maqaaxiyaha lagu gado, ayaa la qiimeynayaa iyadoo la eegayo xaddiga sonkorta iyo fiber-ka si loo go’aamiyo in loo oggolaanayo ogolaanshahaa xayeysiintooda.

Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa maanta, 25-ka April 2025, iyadoo la siinayo lix bilood oo waqti is-beddelka loogu talagalay ganacsiga.

Xigasho/kilde: Regjeringen forbyr markedsføring av usunn mat og drikke overfor barn

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x