Tromsø – 16 umulisooyin ah oo ka shaqeeya waaxda dhalmada ee Cisbitaalka Jaamacadda Waqooyi ee Norway (UNN) ayaa ku hanjabaya inay shaqada ka tagayaan, kadib markii maamulka cisbitaalkaasi uu joojiyay mushaar dheeraad ah oo sannadle ah oo la siin jiray umulisooyinka khibradda leh.
Saddex sano ka hor, Isbitaalka UNN ayaa go’aansaday in umulisooyinka leh in ka badan toban sano oo waayo-aragnimo ah la siiyo mushaar dheeraad ah oo gaaraya 50.000 NOK sanadkii, si loo xajiyo khibradooda. Hadda, cisbitaalka ayaa go’aansaday in la baabi’iyo mushaarkan dheeraadka ah.
Sida ay uu baahiyahay TV 2, umuliso Anne Kristin Suhr – oo ah wakiilka ururka umulisooyinka ee NSF Jordmorforbundet – 16 ka mid ah umulisooyinka waaxda dhalmada oo helayay mushaarkan dheeraadka ah ayaa hadda si dhab ah uga fiirsanaya inay shaqada ka tagaan.
– “Waxa ay si cad u sheegeen in ay shaqada ka tagi doonaan haddii maamulka aanu dib uga laaban go’aankan,” ayay tiri Suhr.
Snorre M. Sollid, madaxa qeybta qalliinka ee UNN, ayaa sharxay in mushaarkan dheeraadka ah uu ahaa mid kumeelgaar ah, oo la bixiyay xilligii ay adagayd helista umulisooyin.
– “Xaaladda hadda way ka wanaagsan tahay sidii hore. Dhammaan boosaska umulisooyinka waa la buuxiyay, sidaas darteed ma aragno baahi loo qabo mushaarka dheeriga ah,” ayuu yiri Sollid.
Wuxuu intaas ku daray in aysan qorshahooda ku jirin in dib loo soo celiyo mushaarkan dheeraadka ah.
Warbaahinta iTromsø ayaa ahayd tii ugu horreysay ee ka warbixisay arrinkan. Sidoo kale waxaa jira cabashooyin ka imaanaya umulisooyinka khibradda leh, kuwaas oo sheegaya in tan iyo markii shaqada umuliso lagu daray heerka master-ka, umulisooyinka cusub ee ka qalin jabiya jaamacadaha ay helayaan mushaar ka sarreeya midka ay helaan umulisooyinka leh in ka badan toban sano oo waayo-aragnimo ah.
Xigasho/kilde: 16 jordmødre ved UNN Tromsø truer med å slutte