Ra´yi uruurin laga sameeyay bulshada Norway ayaa muujineyso in xisbiga shaqaalaha ee xiligan hayo talada dalka uu dib usoo ceshaday kalsoonida qeyb badan oo kamid ah bulshada Norway, kadib hoos-u dhac xoogan oo xisbigaa ku yimid sanadihii lasoo dhaafay.
Xisbiga Shaqaalaha (Ap) ayaa kor u kacay 6.2 boqolkiiba(6,2%), sida lagu sheegay codbixinta cusub ee ay samaysay Opinion. Taasi waxay ka dhigaysaa in Ap uu helo 28.2 boqolkiiba codadka.
Hoggaamiyaha xisbiga, Jonas Gahr Støre, oo ah ra’iisul wasaaraha Norway, ayaa sheegay in tani ay muujinayso in dadka ay xukuumadda kalsooni ku qabaan xilli ay caalamka iyo Yurub-ba ka jiraan xaalado kacsan oo dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ah.
«Waa dhiirigelin in la arko codbixinno horumar muujinaya. Waxaan u arkaa tani inay tahay caddeyn muujinaysa in dad badan ay rumeysan yihiin in Xisbiga Shaqaalaha uu si ku haboon oo aamin ah u hoggaaminayo dalka xilli ay jiraan xaaladdo aan degeneyn,» ayuu yiri ra’iisul wasaare Jonas Gahr Støre.
Codbixintan ayaa muujineyso in Xisbiyada Sosialistisk Venstreparti (SV) iyo Rødt ayaa lumiyay taageerayaal, balse isku dar xisbiyada isbahaysiga cas iyo cagaarka (rødgrønne) ayaa weli heysta 87 kursi oo ka mid ah baarlamaanka (Stortinget), hadii codbixintan laga tusaale qaato.
Dhanka kale Xisbiga Høyre ayaa noqday xisbiga saddexaad ee ugu weyn dalka isaga oo helay 18.5 boqolkiiba codadka, halka xisbiga FRP uu helay 24.8 boqolkiiba, uuna noqday xisbiga 2.aad ee ugu weyn dalka.