Sida ay boolisku xaqiijiyeen, waxaa xalay abaare 21:30 fiidnimo xaafadda Stovner lagu toogtay, dhaawacna la gaarsiiyay wiil dhalinyaro ah oo ay boolisku da’diisa ku sheegeen dhowr iyo toban jir. Booliska ayaa isla xalayba labo qof oo dhalinyaro usoo qabtay falkan, waxeyna sheegeen inay jiri karaan dad kale oo arrintan lug ku leh oo lasoo qaban karo.
Labadda wiil ee dhalinyarada ah ee falkan loo qabtay ayaa lagu xiray habeenkii Talaadada, sida uu xaqiijiyay Johan Jahr, oo ah hoggaamiyaha baaritaanka dambiyada ee booliska Oslo. Dhalinyarada la qabtay ayaa lagu xiray meel u dhow halka ay dhacdadu ka dhacday. Boolisku ma diidayaan suurtagalnimada in dad kale la xiro.
Dhibanaha Dhaawaca la gaarsiiyay ayay dhaawiciisu boolisku ku sheegeen mid culus, balse xaaladdiisa waa mid degan oo aan halis deg-deg ah wadan.
Booliska ayaa qaba in falkan uu noqon karo mid la xiriir aar-gudasho