Dhowrkii isbuuc ee ugu danbeeyay waxaa dalka Mareykanka ka jirtay xaalad sicir barar ah oo saameysay qiimaha cuntooyinka qaarkood, gaar ahaan ukunta oo qiimaheedu uu aad sarre ugu kacay. Waxaana dhanka kale yaraaday wax soo saarka ukunta dalka Mareyka, Arrintaas oo dowlada Mareykanka ku qasabtay inay gacan caawineed weydiisato dalalka ukunta dhoofiyo oo ay Norway ku jirto.
Sida uu qoray TV2, Wasaaradda Beeraha ayaa 3-dii Maarso heshay codsi ka yimid dowladda Mareykanka oo dooneysay in loo fududeeyo xiriirka kooxaha Norwegian-ka ah ee dhoofiya ukunta.
Shirkaddaha dhoofiyo ukunta ee gudaha Norway ayaa dhankooda sheegay in xiligan aysan wax ukun ah oo mareykanka loo iibgeeyo aysan heynin, sidaas darteedna aysan ka jawaabi karin codsiga dowlada mareykanka ee lasoo dhex marsiiyay wasaaradda beeraha Norway.
Shirkadan ayaa sheegay in Norway ay ka jirto xaalad ukun yaraan ah, maadaama ay yaraatay tirada ukunta Norway uga timaado dalka dibadiisa.