Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynayo in dowlada Mareykanku ay magangalyada kumeel gaarka ah ka ceshato 240,000 oo Ukrainian ah oo ku sugan gudaha Mareykanka, sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah oo ka tirsan maamulka Trump iyo ilo kale oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.
Talaabadan ayaa la qorsheynayay xitaa ka hor intii uusan Trump iyo madaxweyne ku xigeenkiisa J.D. Vance si fagaare ah ugu gafin madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, intii lagu jiray kulan ay yeesheen jimcihii hore.
Waxay tani dhici kartaa bisha Abriil, waana qeyb ka mid ah dadaallada ballaaran ee maamulka Trump uu ku doonayo inuu xayiro sharciga degenaanshaha in ka badan 1.8 milyan oo muhaajiriin ah. Dadkan waxaa loo oggolaaday inay galaan Mareykanka iyadoo la adeegsanayo barnaamijyo bini’aadantinimo oo si ku-meel-gaar ah loo hirgeliyay xilligii madaxweyne Biden, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.
Afhayeenka wasaaradda amniga gudaha ee Mareykanka, Tricia McLaughlin, ayaa sheegtay in wasaaraddu aysan wax war ah ka haynin arrintan xilligan. Aqalka Cad iyo safaaradda Ukraine ee Washington ayaan weli ka jawaabin codsiyada Reuters arrintan wax looga weydiiyay.