tirsdag, mars 25, 2025

Norway oo u digeysa dadka raba inay u safraan Mareykanka.

Isbuucan, dhowr dowladood oo Yurub ah, ayaa muwaadiniinta dalalkooda uga digay u safrida dalka Mareykanka, digniintaas oo ku saabsan inay la kulmi karaan caqabado la xiriira dhanka Visaha, galitaanka, joogitaanka ama xitaa iyaga oo VISO wato dib loo soo celin karo.

Sida ay qorayaan warbaahinta dalka Mareykanka, Heyaddaha socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha dalka Mareykanka ayaa adkeeyay soo galitaanka dalka Mareykanka, waxa ayna hada si aad H ugu mashquulsanyihiin in qof walba oo si sax ah u buuxiyay shuruucda dal ku galka, iyaga oo sidoo kalena dadka weydiinayo su aalo dheeraad ah. Waxeyna dadka ku xirayaan, ama ku tarxiilayaan qaladaad farsamo oo yar-yar oo aan horey ahmiyad gaar ah la siin jirin.

Dadka qaarkood ayaa sidoo kale laga codsaday inay furaan moobiladooda gacanta, ayna sheegaan cinwaanadda ay ku leeyihiin baraha bulshada.

Labo Jinsi oo kali ah: Lab iyo dhedig.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa bilowgii sanadkan soo saaray wareegto sharciyeed oo uu ku qeexayo in gudaha Mareykanka ay ka jiri karaan oo oo kali ah labo jinsi oo kala ah : Nin iyo Naag. Arrintaas oo meesha ka saartay dadka loo yaqaan Trans-ka oo wadamo badan oo caalamka ah loo ogolyahay inay ku qortaan baasaboorkooda inay yihiin Jinsi sadexaad.

Dowlada Mareykanka ayaa hada marka uu qofku buuxinayo form-ka Visaha, waxa uu ku qoran karaa oo kali ah inuu yahay Lab ama dhedig. . Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway ayaa talinaysa dadka trans-ka ah inay la xiriiraan safaaradda Mareykanka ka hor inta aysan u safrin dalkaas.

Talooyinka cusub ee la xiriirta safarka Mareykanka ayaa sidoo kale tilmaamaya in xitaa hadii aad heysato Viso, aysan si otomaatig ah kuu siin karin xaq ah inaad Mareykanka gasho, waxaana go’aanka ugu dambeeya iska leh shaqaalaha ka shaqeeya xuduudaha dalkaas.

Dalal kale sida Denmark, Finland iyo Jarmalka ayaa iyaguna sidoo kale cusbooneysiiyay talooyinka socdaalka ee ku saabsan u safarka Mareykanka.

Sababta arrintan loo sameeyay ayaa ah in dhowr qof ay horay u soo food saartay inay soo galaan gudaha Mareykanka.

Xigasho/kilde: USA – reiseinformasjon

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x