Dowlada Norway ayaa go aamisay in dowlada dalka Rwanda loo gacan-galiyo nin asal ahaan dalka Rwanda kasoo jeedo oo ku eedeysan ka qeybqaadasho xasuuq iyo gabood-fal shacab. Ninkan ayaa sanadkii 2022 waxaa lagu xiray Norway, iyada oo sanadkii 2023 ay maxkamadda go aamisay in ninkaas uu buuxiyay shuruudaha qof dambi ka geystay dal kale ay Norway u gacan-galin karto sharciga dalkaas uu qofku danbiga ka geystay.
Go aanka dowlada Norway oo kasoo baxay wasaaradda cadaaladda iyo isdhexgalka ayaa lagu sheegay in Go’aankaas lagu saleeyay waajibaadka Norway ka saaran tahay heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka xasuuqa, heshiiskaas oo waajib yeelaya in ninkan loo gacan geliyo Rwanda oo ay dacwadi ka taalo.
– Waxaan ognahay in Wasaaradda Caddaaladdu, ka dib qiimeyn qoto dheer, ay go’aamisay in eedeysanaha loo dhiibo Rwanda si loo horgeeyo maxkamad, ayay tiri Thea Elise Kjæraas oo ah garyaqaan ka tirsan Kripos, sida lagu sheegay war-saxaafadeed.
Caadi ahaan Norway, marka ay timaaddo kiisaska la xiriira dhiibista eedeysanayaasha, maxkamadda ayaa go’aamisa in dhiibistaasi sharci ahaan suurtagal tahay. Haddii maxkamaddu go’aamiso in dhammaan shuruudaha la buuxiyay, waxa go’aanka kama dambaysta ah iska leh Wasaaradda Caddaaladda iyo Amniga.