søndag, mars 2, 2025

Mareykanka oo bilaabayo Viso 5 Milyan $ lagu gadan karo.

Madaxweyne Donald Trump ayaa qorsheynaya barnaamij cusub oo fiisa ah oo loogu magac daray “Gold Card”, kaas oo maal-qabeennada u ogolaanaya waddo ay ku heli karaan dhalashada Mareykanka iyagoo bixinaya $5 milyan.

Barnaamijkan cusub wuxuu beddeli doonaa nidaamka hadda jira ee fiisaha maal-gashiga, kaas oo u ogolaanaya dadka shisheeye in ay helaan fiiso haddii ay ku maal-gashadaan Mareykanka qiyaastii $1 milyan, ama sameeyaan shirkad shaqaaleysiisa ugu yaraan 10 qof.

Barnaamijka Trump wuxuu la mid yahay nidaamyada “golden visa” ee ay adeegsadaan dalal ay ka mid yihiin Kanada, New Zealand, Malta iyo kuwo kale, kuwaas oo maal-gashadeyaasha u fura fursad ay degenaansho rasmi ah ku helaan iyagoo maal-gashi sameynaya.

Si kastaba ha ahaatee, barnaamijyada “golden visa” ee waddamada kala duwan waxay leeyihiin shuruudo kala geddisan iyo waddooyin kala duwan oo lagu heli karo degenaansho rasmi ah, iyadoo natiijadooda dhaqaale lagu kala aragti duwan yahay.

Yaa heli kara fiisaha ‘Gold Card’?

Xoghayaha Ganacsiga Mareykanka, Howard Lutnick, ayaa sheegay in fiisaha ‘Gold Card’ uu beddeli doono barnaamijka hadda jira laba toddobaad gudahood, taas oo ka dhigan in faahfaahinta shuruudaha iyo habraaca codsiga la filayo in la shaaciyo kahor waqtigaas. Ilaa iyo hadda, Trump wuxuu kaliya sheegay in fiisahan lagu heli doono $5 milyan.

Markii wax laga weydiiyay cidda u qalmi doonta, Trump wuxuu yiri: “Dadkii helaya waxay noqon doonaan maal-qabeenno guuleystay, lacag badan kharash gareynaya, canshuur badan bixinaya, dad badan shaqaaleysiinaya, waxaana rumeysanahay in barnaamijkani uu noqon doono mid aad u guuleysta.”

Muxuu hadda bixiyaa Mareykanka?

Kongareeska Mareykanka ayaa sannadkii 1990 abuuray barnaamijka fiisaha EB-5 ee maal-gashiga, kaas oo loogu talagalay abuurista shaqooyin iyo dhiirrigelinta maal-gashiga shisheeye.

Barnaamijkan, maal-gashadayaasha ku bixiya qiyaastii $1 milyan shirkad shaqaaleysiisa ugu yaraan 10 qof, waxay heli karaan fiiso iyo waddo ay ku heli karaan deggenaansho rasmi ah.

Sida laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay ee Wasaaradda Amniga Gudaha Mareykanka ee ku saabsan tirakoobka socdaalka, qiyaastii 8,000 qof ayaa helay fiisaha maal-gashiga intii lagu guda jiray 12-kii bilood ee dhammaaday September 30, 2022.

Dalalka kale maxay bixiyaan?

Shirkadda Henley & Partners, oo ka talo-bixisa dowladaha iyo shakhsiyaadka ee barnaamijyada degenaanshaha iyo dhalashada maal-gashiga lagu helo, ayaa sheegtay in in ka badan 100 waddan ay bixiyaan ama hore u bixiyeen barnaamijyada “golden visa” ee maal-qabeennada iyo maal-gashadeyaasha.

Dalalkaas waxaa ka mid ah Mareykanka, UK, Spain, Greece, Malta, Australia, Canada iyo Talyaaniga, inkastoo qaar ka mid ah dalalku ay xaddideen ama joojiyeen barnaamijyadooda.

Barnaamijyada waddamada kala duwan waxay leeyihiin shuruudo kala duwan, oo ay ka mid yihiin iibsashada guryo, maal-gashiga dhaqaale, ama abuurista tiro cayiman oo shaqooyin ah.

Basil Mohr-Elzeki, oo ah la-hawlgalaha shirkadda Henley & Partners ee Waqooyiga Ameerika, ayaa sheegay in barnaamijyadani ay mararka qaar dowladaha ka caawiyaan gaarista yoolalka maal-gashiga, balse aysan had iyo jeer sii jirin.

Xukuumadda Spain ayaa joojisay barnaamijkeedii, kaas oo ogolaanayey in dadka aan ka tirsaneyn Midowga Yurub ay helaan ruqsadda deggenaanshaha haddii ay maal-gashadaan in ka badan nus milyan yuuro ($520,000) oo guryo ah, sababo la xiriira sare u kaca qiimaha guryaha.

Sidoo kale, Boqortooyada Ingiriiska ayaa joojisay barnaamijkeeda 2022 iyada oo loo cuskaday walaacyo dhanka amniga ah.

Ma guuleysan doonaa ‘Gold Card’?

Mohr-Elzeki oo ka tirsan Henley & Partners ayaa sheegay in inkasta oo fiisaha ‘Gold Card’ uu yahay mid aad qaali u ah, haddana laga yaabo in uu helo dad daneynaya, balse waxay su’aashu tahay waxa ay shuruudaha dhammeystiran noqon doonaan.

“Weli ma hayno macluumaad badan marka laga reebo in shuruudda maal-gashiga la dejiyay iyo in qorshuhu jiro,” ayuu yiri. “Laakiin guud ahaan, barnaamijyadan waxay caawin karaan waddamo ay gaaraan yoolalka maal-gashiga, iyadoo ay ku xiran tahay ujeedada.”

“Waxaan u maleynaynaa in barnaamijkani uu heli doono dalab xooggan,” ayuu sii raaciyay. “Waxaan sugaynaa faahfaahinta shuruudaha iyo qaab-dhismeedka ay dejin doonaan.”

Guusha barnaamijkani waxay aad uga xiri doontaa habraaca iyo fududeyntiisa, halkii ay ku xiran lahayd lacagta $5 milyan ah.

“Guud ahaan, barnaamijyada ay shuruudahooda deggenaanshaha hooseeyaan waa kuwa ugu caansan, sababtoo ah dadka maal-qabeenka ah waxay jecel yihiin inay yeeshaan xulashooyin,” ayuu yiri.

“Waxay maal-gashan karaan Mareykanka, balse sidoo kale way maal-gashan karaan dalal kale – si ay u helaan fursado kala duwan, sida deggenaanshaha Mareykanka, Yurub, ama Imaaraadka Carabta.”

Maxaa xiga?

Haddii barnaamijkan cusub uu beddelo barnaamijka EB-5 laba toddobaad gudahood, waxaa soo baxaya su’aalo ku saabsan waxa dhici doona dadka horey uga faa’iideystay barnaamijka hadda jira. Mohr-Elzeki wuxuu sheegay in badanaa dadka ku jiray barnaamijka hore loo sii ogolaado inay dhameystiraan nidaamka, balse waxaa dhici karta in arrintaas aysan dhicin.

Sannadkii 2022, Kongareeska Mareykanka ayaa kordhiyay barnaamijka EB-5 ilaa 2027, taasoo ka dhigan in wax ka beddelidda uu u baahan yahay ansixinta Kongareeska. Hase yeeshee, Trump wuxuu sheegay in fiisaha ‘Gold Card’ uusan u baahneyn oggolaanshaha Kongareeska.

Xigasho/kilde: C.O

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x