tirsdag, mars 25, 2025

hey adda Statens vegvesen oo arrinta uga digeysa dadweynaha

Hay’adda wadooyinka iyo gaadiidka ee Statens vegvesen ayaa dadweynaha uga digeyso fariimo SMS ah ooo wata magaca iyo loogadda hey adda, kuwaas oo ay ka danbeeyaan kooxo burcad ah oo raba inay dhacaan macluumaadka gaarka ah ee qofka. Fariinta hey adda ayaa timid, kadib markii maalmihii ugu danbeeyay ay dad badan soo wariyeen inay heleen fariimo(SMS) oo loo ekeysiiyay inay ka socdaan hey adda, balse ay ka dambeeyaan kooxahaas burcadda digitalka wax ku dhacdo ah.

Farriimahan ayaa dadka lagu waydiinayaa inay cusbooneysiiyaan leysinka wadista baabuurka (førerkort). Waxaa farriimaha lagu soo diriyaa oo la socdo link been abuur ah oo qofkii riixa ama gala ka dalbanayo inuu adeegsado adeega BANKID ee xaqiijinta aqoonsiga qofka. Kooxahan khiyaamada wada ayaa isku dayaya inay dadka ka helaan macluumaad gaar ah sida erayada sirta ah (passord), macluumaadka kaarka bangiga iyo macluumaadka kale ee muhiimka ah.

Gjermund Skotte, oo ka tirsan waaxda la dagaalanka dambiyada ee Statens vegvesen, ayaa sheegay in dadweynaha looga baahan yahay inay iska ilaaliyaan furitaanka ama galista LINK kasta oo farriimahaas ku jira, isla markaana aysan marnaba furin.

Statens vegvesen ayaa sidoo kale sharaxday inaysan awood buuxda u lahayn inay ka hortagaan in magacooda la adeegsado khiyaamada noocan ah, balse ay maalin kasta si joogto ah uga shaqeynayaan sidii loo ogaan lahaa cidda ka dambeysa farriimahan iyo sidii loo joojin lahaa kooxaha ku lugta leh khiyaamada.

Xigasho/kilde: Statens vegvesen advarer om SMS-svindel

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x