tirsdag, mars 25, 2025

Dhageysiga dacwada sharci u-celinta Mahad Abiib oo ka bilaabatay Oslo.

Isniintii shaley aheyd oo ku aadan 24-ka bishan Maarso, waxaa maxkamadda magaaladda Oslo ka bilaabatay dhageysiga dacwad u dhaxeyso Mahad Abiib oo ah muwaadin soomaali ah, iyo dowlada Norway, gaar ahaan hey adda qoxootiga.

Mahad ayaa sanadkii 2018 maxkamadda Oslo waxa ay ka xukuntay kiis dacwad ah oo kala dhaxeeyay hey addaha qoxootiga Norway, kuwaas oo Mahad ku eedeeyay inuu yahay muwaadin jabuutiyaan, kadib markii ay keeneen cadeymo, markii danbe uu beeniyay qareenka u doodayay Abiib.

Mahad Mahamud oo 38 jir ah, hadana ah aabaha afar caruur ah oo Norway kunool, ayaa sheegay inuu ka xunyahay inuu waayay fursaddii uu carruurtiisa kula noolaan lahaa nolol caadi ah, kadib markii dowladda Norway ay kala noqotay dhalashada isla markaana ka masaafurisay dalka sannadkii 2018.

Mahad, oo hadda ku nool magaalada Créteil ee duleedka magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ayaa sheegay in inkastoo uu hadda dalka fariinka ku heysto sharci iyo shaqo, haddana uu aad u tabayo inuu carruurtiisa arko oo uu daryeelo.

«Afar carruur ayaan leeyahay, saddex gabdhood iyo wiil. Waxaan nasiib u yeeshay inaan aabbe noqdo, laakiin nasiib darradu waa inaanan qayb ka ahayn nolol maalmeedkooda,» ayuu yiri Mahad oo hore uga shaqeyn jiray Isbitaalka Ullevål ee magaalada Oslo.

Qareenka Mahad Abiib, Arild Humlen ayaa sheegay inuu hayo, maxkamaddana keeni doono caddeymo cusub oo muujinaya in Mahad uusan ahayn qofka ay dowladdu ku tuhmeyso inuu yahay. Qareenka ayaa sheegay in caddaymahan cusub ay muhiim u yihiin inay caddeeyaan xaqiiqada dhabta ah ee kiiska, uuna rajo weyn ka qabo in Abiib uu dib u helo sharcigiisii iyo xuquuqdiisii muwaadnimo ee Norway.

Mahad ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo inuu mar kale ku guuleysto kiiska, isla markaana uu mar kale carruurtiisa kula midoobi doono Norway.

Hadii ay maxkamadu kiiska u xukunta Mahad, waxa uu noqon doonaa kiis saameyn xoogan ku yeelan doono boqolaal kiisas ah oo noociisa oo kale ah.

Dowlada Norway ayaa dhanka kale diiday in Abiib uu usoo safro dalka Norway, si uu u xaadiro dhageysiga maxkamadda kiiskiisa, Taas oo Abiib ku qasabtay inuu dhageysiga dacwadda kiiska kaga qeybqaato qaab fogaan-arag ah.

Xigasho/kilde: Vil bare leve sammen med barna mine

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x