søndag, mars 2, 2025

dadka Norway oo ay ku kalsooneyn awooda difaac ee ciidanka Norway.

Tan iyo bilowga dagaalkii Ukraine iyo Ruushka, gudaha Norway waxa sii kordheysa cabsiga laga qabo in dagaal uu ka dhaco Norway. Xog uruurin la sameeyay ayaa muujineyso in qof kamid ah lixdii qofba ee Norway kunool uu aaminsanyahay in dagaal uu Norway ka dhici doono shanta(5) sano ee soo socoto.

Sida laga soo xigtay daraasad sahmin ah oo ay sameysay hey adda Opinion, boqolkiiba 16(16%) ee shacabka Norway ayaa aaminsan inay suurtagal tahay in dagaal ka dhaco Norway shanta sano ee soo socota. Tani ayaa ah ku dhawaad saddex jibbaar tiradii la diiwaangeliyay xilligan hore sannadkii hore.

Nora Clausen, oo ah lataliye sare oo ka tirsan hey adda Opinion, ayaa sheegtay:
«Dhowr sano ka hor, wax aan la malayn karin ayey ahaan lahayd in hal qof oo kamid ah lixdii qofbaee la wareysto uu filayo in dagaal ka dhaco Norway sanadaha dhow. Hadda xaaladdu halkaas ayey mareysaa.»

Dhanka kale,waxaa sii yaraanayo tirada dadka aaminsan in Norway uusan dagaal ka dhici doonin sanaddaha soo socdo.

Awooda ciidanka kuma kalsoonin:

Sida laga soo xigtay daraasaddan sahanka, 60% shacabka Norway ma aaminsana in dalku leeyahay awood difaac oo ku filan haddii ay la kulmaan weerar milatari oo kaga yimaada waddan kale oo dibadda ah.

Nora Clausen ayaa sheegtay:
«In 60% boqolkiiba aysan rumaysnayn awoodda difaaca Norway waa heerkii ugu sarreeyay ee aan nolosheyda arko.» Taas oo ka turjumeyso isbadalka ku dhacay shacabka Norway iyo aragtiyaha ay ka qabaan ciidanka iyo awooda difaacca Norway.

Sidoo kale, 80% ee shacabka Norway ayaa aaminsan in Norway ay waajib ku tahay inay xoojiso difaaceeda oo ay maalgeliso ciidan xooggan qalab ahaan iyo difaac ahaanba.

Kalsooni Yarida Loo Qabo NATO oo sii korortay:

Waxaa sidoo kale sii kordhaya aaminsanaanta ah in waddamada kale ee ku jira NATO ay la kulmi karaan weerar shanta sano ee soo socota, iyadoo boqolkiiba 37 ay u arkaan in tani ay suurtagal tahay.

Dhanka kale, in ka yar kala bar shacabka ayaa hadda aaminsan in NATO ay dammaanad qaadi doonto ammaanka Norway haddii ay dhacdo weerar milatari. Kalsoonida lagu qabay NATO ayaa aad hoos uga dhacday tan iyo bishii Nofeembar, marka oo la doortay madaxweyne Donald Trump.

Dagaal Weyn oo Caalami Ah

Dhanka kale, gudaha Norway Cabsida laga qabo Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka ayaa sidoo kale sii kordheysa. Afar ka mid ah tobankii qof ee reer Norway ah (42%) waxay aaminsan yihiin in ay jirto khatar weyn oo dagaal caalami ah uu dhici doono inta ay nool yihiin.

Intaa waxaa dheer, labo ka mid ah tobankii qof ee lagu wareystay daraasaddan, waxay aaminsan yihiin in ay jirto halis weyn oo ah in dagaal hub nukliyeer ah dhaco inta ay nool yihiin.

Wasiirka difaaca: Yaan la cabsan.

Wasiirka Difaaca Tore O. Sandvik (Ap) ayaa u sheegay NTB inuu fahamsan yahay walwalka ay qabaan shacabka.

«Waxaan ku jirnaa xaalad amni oo kacsan oo caqabad leh, laakiin aniga oo xiganaya taliyaha ciidanka difaaca: waa inaanan cabsi dareemin.»

Wuxuu intaa ku daray:
«Daraasadua waxa ay muujinaysaa in dadku ay arkeen baahida loo qabo difaac xooggan. Taasi waa arrin aan si dhab ah u qaadanayno.»

Wasiirka difaaca wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in xukuumaddu si weyn u xoojinayso ciidanka difaaca, wuxuuna ballan qaaday in arrintaasi la dedejin doono.

«Waxaan sameynay maalgelin ballaaran oo aan xoojinaynaa heeganka si aan Norway uga dhigno meel ammaan ah,» ayuu yiri Sandvik.

Xigasho/kilde: Over halvparten av nordmenn stoler ikke på Norges forsvarsevne

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x