Booliska dalkan ayaa maalinta ciida ah ee beri ah qaadan doono hubka, arrintaas oo qeyb ka ah qorsheyaasha booliska ee lagu sugayo amniga dadweynaha maalmaha ay dadku isku soo baxaan. Booliska ayaa sidoo kale hubka qaadan doono maalinta qaranka Norway ee 17-ka Mai.
Sida ay boolisku sheegeen ma jirto wax cabsi ah ama digniin ah oo ay boolisku heleen, laakiin sababta ay hubka u qaadanayaan ayaa ah in la sugo amniga, maadaama meelaha ay dadyowgu isugu imaadaan ay noqon karaan bar tilmaameed.
Hub qaadashadu waa qeyb kamid ah talaabooyinka ay kahortag ee ku sugeyno amniga. Hadii ay boolisku hub wataan waxaa u sahlan inay si dhaqso ah oo effektiv ah ay felcelin u sameeyaan hadii ay wax amni-daro ah dhacaan.