Beri oo jimce ah, abaare 12-ka duhurnimo waxaa hawada magaaladda Oslo tababar ku sameyn doonto diyaaraddaha dagaalka ee F-35 ee laga leeyahay dalka Norway, oo ay weheliyaan diyaaraddaha bumbooyinka waaweyn xambaara ee B-52. Tababarkan ayaa qeyb ka ah iskaadhiga milatari uu u dhaxeeyo Norway iyo mareykanka .
Bogga rasmiga ah ee ciidanka Norway ay ku leeyihiin internetka ee Forsvaret ayaa lagu qoray in Mareykanka wuxuu dhowr jeer sanadkii usoo diraa diyaaraddah b Bomber Task Force (BTF) Waqooyiga Yurub iyo Norway si ay ula qabsadaan islafagalka milatari ee ay la leeyihiin xulafadooda waqooyi. Tababarkani ayaa sida ay ciidanku sheegeen ah mid muhiim ah, si loo xoojiyo awoodda ciidanka difaaca Norway ee ku aaddan wada-shaqeynta diyaaradaha duqeynta ee Mareykanka. Waxa uuna sidoo kale muujinayaa awoodda wadajirka ah ee difaaca iyo isku-dubaridka difaac la isku halayn karo.
Diyaaraddahan ayaa beri si weyn looga arki doonaa magaaladda Oslo, gaar ahaan senterka.