onsdag, april 2, 2025

Austria waxay oo dib u midoobida qoysaska qaxootiga – dalkii ugu horreeyay ee EU-da.

Austria ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee Midowga Yurub ka tirsan oo si rasmi ah u shaaciya inuu joojinayo dacwaddaha dib u midoobida qoysaska ee qaxootiga. Sida uu sheegay wasiirka isdhexgalka, Claudia Plakolm, Arbacadii, joojinta ayaa la filayaa inay dhaqan gasho bisha Mai, oo isbuucyo uun ay inaga xigaan.

Plakolm ayaa sheegtay in nidaamka soo dhaweynta qoxootiga iyo soogalootiga dalkaas uu gaaray heer xad dhaaf ah, taasoo keentay in la hakiyo codsiyada dib u midoobida qoysaska. Talaabadan ayaa marka hore si hordhac ah waxaa loo tijaabin doonaa muddo lix bilood ah, kahor inta aan dib u qiimeyn lagu sameyn ama si rasmi ah loo dhaqangelin.

Dib u midoobida qoysaska ayaa ka dhigneyd in qofka qoxootiga ah ee magangalyada helay(sharciga helay) uu u dacwoodo xubnaha kale ee qoyskiisa ah si ay ula noolaadaan.

Austria horey waxay u xaddiday dib u midoobida qoysaska ee muwaadiniinta Suuriya, tan iyo intii ay xukunka laga tuuray Bashar al-Assad, ayna awooda dalkaas qabsatay xukuumadda cusub.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x