Sanadkii lasoo dhaafay ee 2024, In ka badan 5000 oo qof ayaa qaaday imtixaanka ay galaan dadka raba inay qaataan jinsiyadda iyo baasaboorka Norway. 92.5% dadka galay imtixaankan ayaa ku baasay oo gudbay, sida laga soo xigtay tirokoob ay sameysay waaxda Agaasinka Sare ee Waxbarashada iyo Xirfadaha (HK-dir).
Tonje Brenna, wasiiradda shaqada iyo isdhexgalka, ayaa sheegtay in ay farxad u tahay in dad badan ay imtixaanka qaataan oo ay ku baasaan.
– Si aad ugu guulaysato ku noolaanshaha Norway, waa muhiim inaad leedahay aqoon wanaagsan oo ku saabsan bulshada iyo afka dalka, ayay tiri Brenna.
Imtixaankan ayaa ka kooban yahay 32 su’aalood oo ku saabsan bulshada, taariikhda, dhaqanka iyo nidaamka dowladeed ee dalka Norway. Si aad u gudubto imtixaanka, waa inaad si sax ah uga jawaabtaa ugu yaraan 24 su’aalood oo kamid ah 32-da su aalood.
Gobollada Akershus, Møre og Romsdal, iyo Vestland ayaa ugu badan dadka ku baasay imtixaanka. Natiijooyinka guud ee dalka ayaa weli ah kuwo wanaagsan, sida uu sheegay Sveinung Skule, agaasimaha HK-dir.
– Tani waa isbeddel fiican. Waxay muujinaysaa in dadka imtixaanka qaadanaya ay heleen aqoon ku filan oo ku saabsan bulshada Norway, ayuu yiri Skule.