tirsdag, februar 18, 2025

UDI: 20 000 kiis oo codsi dhalashada Norway ah, ayaa saf ku jiro.

Hey adda socdaalka iyo arrimaha soo galootiga Norway ee UDI-da, ayaa sheegtay inay saf ku jiraan ku dhawaad 20.000 kiis oo codsi la xiriira dhalashada ama jinsiyada Norway ah. Arrintaas oo sida ay sheegtay hey addu keeneyso in dad badan ay mudo dheer oo ka badan intii caadiga aheyd ay sugaan jinsiyada Norway.

Hadalka hey adda ayaa yimid, kadib markii Telefishinka qaranka Norway ee NRK uu warbixin ka diyaariyay dad siiriyaan ah oo codsiyada dhalashada sugayay mudo aad u badan.

Yasmin Ali oo ka timid dalka Siiriya, kana mid ah dadka uu NRK wareystay ayaa sheegtay inay Norway timid sanadkii 2016, ayna labadii sano ee ugu danbeysay ay sugeysay jawaabta codsiga dhalashada Norway. Arrintaas oo ay sheegtay inay ku abuurtay walaac xoogan, maadaama uu sugitaanka jawaabta baasaboorku ay ka xanibtay qorsheyaal badan oo nolosheeda ah.

Arild Humlen oo ah qareen ay NRK wareysatay ayaa sheegay in isbuuc walba uu helo kiisas la xiriira daahitaanka jawaabta codsiga dhalashada Norway. Ayna jiraan dad jawaabta codsiga sugayay ilaa sanadkii 2018-ka.

UDI: Kiisasku waxey u qabysameen Labo: Computer iyo Qof ka shaqeeya.

Øystein Tonstad Lekne oo ah madax qeybeed katirsan hey adda UDI ayaa sheegay inay safka ku jiraan ku dhawaad 20.000 kiis oo la xiriira codsiyada dhalashada Norway, arrintaas oo keeneyso in waqtiga suugitaanka uu dheeraado. Waxa uuna raaciyay inay fahmi karaan wareerka iyo walaaca ay dareemayaan dadka jawaabuhu ay ka daaheen.

Øystein ayaa dhanka kale sheegay inay jiraan 2 nooc oo ay UDI-du uga shaqeyso kiisaska codsiyada. Kiisas badan ayaa waxaa si outamatic ah uga shaqeeyo computer, waxa ayna kiisaskaa leeyihiin waqti sugitaan oo gaaban. Laakiin kiisaska qaarkood ayaa u baahan in qof kiis-ka shaqeeye ah(saksbehandler) oo ka shaqeeyo, arrintaas oo mararka qaarkood keeneyso in waqti dheer ay qaadato in la helayo qof kiiska ka shaqeeyo oo gacan-banaan. Wuxuuna sheegay inay arrintaas dheereyn karto xiliga sugitaanka, maadaama kiisku uu safka ku jiro(aan la furin), inta laga helayo qof gacan banaan.

Sababta ay kiisaska qaarkood dad ugu dhiibaan, ayuu sheegay in mararka qaarkood ay u baahdaan qiimeynta aqoonsiga qofka, baasaboorkiisa iyo macluumaadka kale ee la xiriira aqoonsigiisa. Taas oo iyaduna uu sheegay inay dheereyn karto waqtiga sugitaanka.

UDI-da ayaa sheegtay inay mar walba ka shaqeynayaan sidii ay u wanaajin lahaayeen qaabkooda shaqo, ayna hada ka fakarayaan sidii ay arrintan wax uga qaban lahaayeen, una soo gaabin lahaayeen waqtiga sugitaanka.

Marka laga tago Siiriyaanka, soomaalida ayaa kamid ah dadka ugu waqtiga dheer sugitaanka helitaanka jawaabta codsiyada baasaboorka.

Xigasho/kilde: Yasmin:– Jeg har mistet håpet om et norsk pass

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x