Hey adda socdaalka iyo maareynta arrimaha ajaaniibta ee dalka Mareykanka ee ICE, ayaa qoraal ay soo saartay inay dalka Mareykanka ka tarxiileyso 1,4 milyan qof oo ajaaniib ah oo dalkaas qaab sharci la aan ku joogo. Waxaana liiska dadka la tarxiilayo kasoo dhex muuqday 39 qof oo u dhashay dalkan Norway.
Sidoo kale waxaa liiska dadka la tarxiilayo kasoo dhex muuqday 120 qof oo u dhashay dalka Denmark iyo 45 qof oo u dhashay dalka Sweden.
Dadkan ayaa u badan dad markii hore qaab sharci ah oo Viso ah kusoo galay dalka Mareykanka, laakiin aan dalkaas ka bixin markii uu Visaha ka dhacay. Waxeyna sidaas ku noqdeen dad sharci daro ku joogo dalka Mareykanka.
Wasaaradda arrimaha dibadda dalkan Norway oo wax laga weydiiyay arrintan tarxiilka ah, ayaa sheegtay inaysan waxbo ka qaban karin ama ka sheegi karin arrintaas, ayna tahay wax u dhaxeeyo dowlada Mareykanka iyo dadka ay khuseyso.