tirsdag, februar 4, 2025

Sweden: Toboneeyo qof oo ku dhintay weerar iskuul lagu qaaday.

Booliska dalka Sweden oo dhawaan soo gaba-gabeeyay shir jaraaid oo ku saabsan weerarkii maanta lagu qaaday iskuul ay dhigtaan dadka waaweyn, ayaa xaqiijiyay inay weerarkaas ku geeriyodeen toboneeyo qof, uuna jiro dhaawac tiro badan. Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ah ninka ay boolisku tuhmayaan inuu weerarkaas ka danbeeyay.

Booliska oo saacado kahor qabtay shir jaraaid ayaa sheegay inay dhaawacmeen shan qof, laakiin warka cusub ee Sweden ka imaanayo ayaa ah inay jirto dhimasho aad u badan oo toboneeyo gaareysa.Waxaa weli dhici karta in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay intaas kasii badato saacaddaha soo socdo.

Weli faah-faahin fiican lagama hayo dhacdadan iyo sababta ka danbeysa. Balse Ninka falkan lagu eedeeyay oo 35-sano jir ah ayay warbaahinta Sweden qoreysaa inuu gacantiisa isku dilay.

Wixii kasoo kordha dib ayaan kasoo galin doonaa.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x