tirsdag, februar 4, 2025

Reysulwasaarihii hore ee Norway oo wasiir ka noqday xukuumadda cusub

Reysulwasaariha Norway Joas Gahr Støre ayaa maanta soo bandhigay golaha xukuumadiisa cusub ee hogaamin doonto dalka 8-da bilood ee soo socdo. Xukuumadda cusub ee maanta lasoo dhisay ayaa ka kooban xisbiga shaqaalaha oo kali ah, kadib markii uu isbuucii hore isbaheygii wadaaga ahaa ee dowladnimadda isaga baxay xisbiga Sp ee bah-wadaagto xukuumadeed ay ahaayeen xisbiga Ap.

Arrinta yaabka dhalisay, aadna loo hadalhayo maanta, ayaa ah in xukuumadda cusub ee kasoo dhex muuqday reysulwasaarihii hore ee Norway, Jens Stoltenberg oo 12-kii sano ee ugu danbeeyay ahaa xoghayaha ururka Nato. Stoltenberg ayaa noqon doono wasiirka cusub maaliyadd, oo awood ahaan ah jagadda 2.aad ee ugu xoog badan xukuumadda.

Jens oo 2 xili xukuumadeed oo hore soo noqday reysulwasaaraha Norway, ayaa sheegay in inkasto oo aysan u qorsheysneyn inuu kusoo noqdo siyasadda Norway, hadana uu aqbalay codsiga uga yimid reysulwasaaraha Norway Jonas Støre ee ku saabsanaa inuu qabto jagada wasiirka maaliyada.

Waxaa xusid mudan in reysulwasaaraha hada joogo ee Jonas uu horey wasiir uga ahaa xukuumadihii uu reysulwasaaraha ka ahaa wasiirkiisa cusub ee maaliyada.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x