lørdag, februar 22, 2025

Norway: Qoxootiga Siiriyaanka ah oo cunto-ka soomis bilaabay

Tan iyo intii uu isbadalka siyaasadeed uu ka dhacay dalka Siiriya dhamaadka sanadkii lasoo dhaafa, dowladaha Yurub, gaar ahaan Norway ayaa bilowday inay wax ka badalaan aragtidii ay ka heysteen xaaladda amni ee dalkaas.

Dowlada Norway ayaa bilo kahor soo saartay war ay ku sheegeyso inay si kumeel gaar ah u hakineyso ka shaqeynta codsiyada magangalyada ee qoxootiga kasoo jeedo dalka Siiriya, maadaama uu isbadal ka dhacay dalkaas. Ayna dib u qiimeyn ku sameyn doonto baahida magangalyo ee qoxootiga dalkaas u dhashay, kahor inta aan go aan laga gaarin kiisaskooda. Halkan kasii akhri.

Qoxootiga Siiriya oo cunto ka soomis bilaabay:

Qoxootiga u dhashay dalka Siiriya ayaa bilaabay inay ka soomaan cuntada, iyaga oo ka cabanayo jawaab la aanta hey adda UDI-da ee codsiyada kiisaskooda. Waxeyna sheegeen in go aanka joojinta ka shaqeynta kiisaskooda uu saameyn xoogan ku yeeshay noloshooda, ayna soo wajahday hubitaan la aan mustaqbal oo xoogan.

Sadex kamid ah qoxootiga reer Siiriya oo cunto ka soomista sameeyay, ayaa lix maalmood oo aysan cunin wax cunto ah, waxaa hada la dhigay isbitaalka.

Hey adda UDI-da oo dhankeeda wax laga weydiiyay arrintan ayaa sheegtay in ilaa hada aan la hubin xaaladda amni iyo mida siyaasadeed ee dalka Siiriya. Sidaas darteed, aysan weli wax badan kala cadeyn. Waxeyna hey addu sheegtay in arrintaas darteed aysan weli fursad u helin qiimeynta kiisaska shaqsiyaadka magangalyo doonka ah, iyo in dalkoodii lagu celin karo iyo inkale.

Xigasho/kilde: Sultestreiker på sjette dagen – Ingenting skjer

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x